Waftigii DDSI Ee Ku Sugan North America Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Loo Sameeyay

Minneapolis, (cakaaranews), sabti, 23ka December, 2017.  Waxaa maalmihii ugu dambeeyay socdaal shaqo ku joogay wadanka maraykanka  gaar ahaan magaalada  Minneapolis   wafti balaadhan oo ay hogaaminayso wasiirka horumarinta xoolaha iyo reer-guuraaga DDSI marwo Maajida  Maxamed Maxamuud oo ay ku wehelinayaan wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase iyo wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane  Khadar Cabdi Ismaaciil.

Haddaba,  Waxaa xaflad soo dhawayn ah oo  hadhimo sharafeed ah  lagu maamuusayay u sameeyay waftigii DDSI ee  ku sugan North America gaar ahaan gobolka Minnesota dhalinyaro  ganacsato ka soo jeeda deegaanka somalida itoobiya kuwaasi oo ah dhalinyaro fir-fircoon oo si wayn uga qayb-qaata taageerada xukuumada DDSI iyo  JDFI iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed iyo nabadgalyo waxayna dhalinyaradan u samaysay waftigan hadhimo sharafeedku sheegeen in ay waftigan ku soo dhawaynayaan dareen farxadeed islamarkaana garab miisaan culus u yihiin xukuumada DDSI sidoo kalena ku farax san yihiin  taabagalinta qorshayaasha horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban ee sida xawliga ah uga hirgalay sanadihii ugu dambeeyay deegaanka.

Dhankooda waftigan DDSI ee loo sameeyay xaflada hadhimo sharafeedka  ayaa sheegay in ayaad iyo aad ugu  faraxsan yihiin una mahad celinayaan ganacsatadan dhalinyarada ah ee sida xilkasnimada ah u soo dhawaysay waftigan waxayna ka warbixiyeen doorka ay qurba joogtu ku leedahay hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka saxarka tiran ee ka hirgalay deegaanka iyo fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanka ku yahay.

 

.