MM Qabridahar Iyo Qaar kamid Ah Haweenka Danyarta ah Oo Lagu Tababaray Xirfada Tolista dharka

Qabridahar(cakaaranews)Sabti, 23ka December 2017. Waxaa tababar loo soo xidhay qaarkamid ah dumarka danyarta ah ee kudhaqan magaalada qabaridahar tababarkaasoo kusaabsanaa toliinka dharka ama harqaanka islamarkaana la gudoonsiiyay makiinadihii ama harqaanka dharka lagu tolo si ay ugu shaqaystaan.

Hadaba, xidhitaankii tababarkan ayaa waxaa kasooqaybgalay Kusimaha Maayorka Maamulka Magaalada Qabridahar ahna Hogaanka Nabadgalyada Maamulka iyo cadaalada MMQ mudane Fadxi Maxamuud Cabdulaahi iyo waliba Madaxa Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruuta MMQ Marwo Sucaad Khadar oo sheegay in tababarkani socday mudo bil ah islamarkaana qaarkamid ah hooyooyinka magaalada qabridahar lagu abarayay xirfada toliinka dharka ama harqaanka. Waxayna xuseen in xirfada kasakaow, in dumarkan la gudoonsiiyay makinadihii ama harqaankii dharka lagu tolayay si ay ugu shaqaystaan. Waxayna tilmaameen in hooyooyinkan laga soo kala xulay xaafadaha magaalada qabridahar islamarkaana ay yihiin 10 haween ah oo danyar ah oo aad ugu baahnaa xirfada iyo qalabka labadaba. Iyadoo tanina aysan ahayn markii ugu horaysay ee haweenka danyarta ah la gudoonsiiyo makiinadahan harqaanka sidookalana mararbadan oo kaladuwana lasiiyay

Ugudanbayna, xubniihii dumarka ahaa ee tababarkan qaatay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin makiinadahan la gudoonsiiyay iyo waliba sida wanaagsan ee loo baray xirfadan harqaanka dharka. Waxayna umahad celiyeen dhamaan heerarka kaladuwan ee Maamulka DDSI.