MW CMC Oo shir Jaraa’id Ugu Qabtay Xafiiskiisa Saxaafada Dalka

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 24ka December 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shir saxaafadeed baladhan ugu qabtay  xafiiskaiisa dhamaan saxaafada dawliga ah iyo kuwa gaarka looleeyahay ee dalka.

Hadaba shir sixaafdeedkan saxaafada dalka loogu qabtay xafiiskiiska  madaxwaynaha ayaa waxay kuwaydiiyeen su’aalo kaladuwan oo ka tarjumaya horumarka,nabadgalayada,maamulka suuban ee  deegaanka iyo xaalada iskudhacyada labada shacab ee oromada iyo soomaalida. Gaar ahaan xasuuq wadareedkii dadka soomaalida ah loogu gaystay galbeedka harargee.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo ka jawaabaya su’aalahaas ay saxaafada dalku waydiiyeen ayaa hadalkiisii ku bilaabay sida tan. Wuxuuna madaxwaynuhu ugu horayn utacsiyeeyay ehehladii iyo qoysaskii shacabkii soomaalida ahaa ee xasuuq wadareedka loogu gaystay galbeedka harargee. Taas oo ay raisal-wasaaraha dalka mudane Hailemariam Deselsgn iyo madaxwaynaha Deegaanka Oromada mudane Lamma Magerse ka tacsiyeeyeen sheegeena inay gacan ka xaqdarani dishay. Madaxwaynaha ayaana intaa ku daray in shacabka oromada ee barakacay aysan ka barakicin deegaanka oodhan balse ay ka barakaceen oo kali ah magaalada jigjiga iyo wajaale oo kali ah iyadoo ay deegaanka intiisa kale sidii wali udaganyihiin sida jidka dheer ee taga fayfayr ilaa ma’ayso magaalooyinka udhaxeeya ay sidoodii wali udanganyihiin. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa sheegay in shaqaalihii kasoojeeday deegaanka oromada ay sidoodii wali ooga shaqaayeen xafiisyada tan iyo xafiiska maamulka DDSI.

Intaa kadibna madaxwaynaha ayaa xusay in barakicinta dadka ay ka bilaabatay dhanka deegaanka oromada iyadoo 2008TI ay galbeedka harargee kasoo barakaceen dad ka badan 50 kun oo qof oo soomaali ah islamarkaana ay dawladu dajisay qabalaha qoloji. Isagoo intaa raaciyay in tirada dadka kasoo barakacay deegaanka oromada markii hore la khalday oo layidhi waxay ahayeen 300 oo qof balse markii ay yimaadeen xukuumada federalku arkeen dad aad utirabadan oo ku jira qabalaha qoloji oo gaadhaya 50 kun oo qof. Meesha degmooyinka salaxad, lagahida, raaso iyo gobolka daawa iyana dajin loogu sameeyay.

 Madaxwaynaha ayaa wuxuu kale oo uu sheegay ahmiyada ay leedahay nabad kuwada noolaashaha qoomiyada dalka isagoo madaxwaynuhu tusaale ahaan usoo qaatay in 9ka dawlad deegaan ee dalka kakooban yahay yihiin markab ka kooban 9 dabaq oo biyo ku dhex jira oo hadii midka u hooseeya uu damco inuu markabka hoosta ka duleeliyo oo uu ka cabo ay 8da kale oodhan soo gaadhayaan biyahaas marka si aysan taas udhicin waa inay 8da kaleba ka hortagaan waana in lawada ilaa shado markabkaas 9ka dabaq ka kooban ee ka koobanyahay dalku.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale xusay inay ka xukumad ahaan ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii  xal waara looga gaadhilahaa khilaafaadka labada shacab islamarkaana shacabkii ka barakacay deegaanka loogusoo celin lahaa goobahoodii, Maadaama shaqsi walba oo itoobiyaan ah uu xaq uleeyahay inuu ku noolaan karo meel walba oo kamid ah dalka sida uu dhigayo tastuurka dalku. Dawlada federalka iyo deegaanka oromaduna waan kala shaqaynaynaa sidii xal waara looga gaadhilahaa xalinta khilaafka labada shacab. Islamarkaana lasoo celiyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee labada shacab ee wanaagsanaa. Islamarkaana ay labada shacab yihiin dad diin iyo dhaqan wadaaga isna guursada.

Ugu Danbayna madaxwayanaha ayaa sheegay in dawlada federalka ah iyo ciidanka qaranku wax badan ka qabteen xaalada xalinta labada deegaan si hagar la’aan ahna uga qaybqaatay. Islamarakaana ay ilaa wakhti xaadirkan ku guda jiraan sidii xal waara looga gaadhi lahaa xalinta khilaafaadka labada deegaan. Hadalka odhanaya dawlada federalku waxba kamaysan qabanina xaalada isku dhacana waa mid been ah.