Tababar BSC Ah Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Wakaalada Dakhliga Ee Heer Deegaan Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga

Jigjiga (Cakaaranews) Isniin 25ka December 2017.  Tabaabar  loo qabtay dhamaan  shaqaalaha wakaalada dakhliga heer deegaan  islamarkaana ujeedadiisu ahayd kobcinta aqoonta shaqaalaha ee dhanka Barnaamijka halbeega waxqabadka isu dheelitiran ee cudada shaqaale ee ciidanka horumarineed iyo iskuxidhka nidaamka maamulka suuban  (Balanced Score Card)  ayaa ka qabsoomay magaalada jigjiga.

Tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan shaqaalaha wakaalada dakhliga ee heer deegaan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maareeyaha guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan oo sheegay inuu tababarkan yahay mid muhiim ah islamarkaana fahan buuxa idinka siindoona qaab shaqeedka barnaamijka halbeega waxqabadka isu dheelitiran ee cudada shaqaale ee ciidanka horumarineed ee iskuxidhka nidaamka maamulka suuban (balanced Score Card) oo ah barnaamij lagu shaqayn doono oo ah qaab ku salaysan qancinta macaamiisha. iyo iskuxidhka halbeega nidaamka maamulka suuban.

Ugu danbayna maareeyaha ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay mudada uu cashirku socdo si fiican uqaataan ilaaliyaana saacada cashirka maadaama uu tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahanyahay in aad ku shaqaysaan marka barnaamijkan ku shaqayntiisa la bilaabo.