Kulan Waynaha Wadatashiga Talaalka Caruurta Iyo Daah-Furka Qorshaha cudub Ee Talaalka Joogtada Ah Oo Furmay.

Jigjiga,(cakaaranews), arbaca, 27ka, December, 2017. Waxaa maanta ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan  madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan kulan waynaha watashiga kor u qaadista talaalka caruurta iyo daah-furka qorshaha cusub ee horumarinta talaalka joogtada ah ee sadexda sano ee soo socda .

Kulan waynahan oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha caafimaadka, masuuliyiinta xafiisyada iyo hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka JDFI, madax-xafiisyeedyada xafiisyada caafimaadka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI, hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka, masuuliyiinta golaha sare ee arimaha islaamka DDSI iyo marti sharaf kale.

Waxaana, furitaankii kulan waynahan ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu leeyahay kulan waynaha wadatashiga ee kor loogu qaadayo adeegyada caafimaadka gaar ahaan talaalka caruurta iyo horumarinta iyo hirgalinta qorshaha cusub ee talaalka joogtada ah, wasiirka yaa sheegay in  si kor loogu qaado heer daboolka adeega caafimaadka DDSI uu xafiiska caafimaadka deegaanka dadaal xoogan galiyay sidii loogu midho dhalin lahaa siyaasada caafimaadka wuxuuna sheegay in xafiisku ka shaqaysiiyay dhamaanba xarumaha caafimaadka deegaanka haddii ay tahay dhinaca xirfadlayaasha iyo dhinaca qalabayntaba sidoo kalena lagu dhaadhiciyay xafiisyada caafimaadka, xarumaha caafimaadka, cusbitaalada deegaanka inka badan 1700 oo xirfadlayaal sanadkan gudihiisa. Wasiirka ayaa sheegay in kulan waynahan lagaga hadlayo sidii ay xafiiska caafimaadka DDSI iyo bah-wadaagtiisu iskaga kaashan lahaayeen  ka midho dhalinta tayada adeegyada caafimaadka gaar ahaan dhinaca talaalka caruurta.

Dhankiisa wasiirku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay ahmiyada uu leeyahay kulan waynaha wadatashiga ee kor loogu qaadayo adeegyada caafimaadka gaar ahaan talaalka caruurta wasiirku xigeenka ayaa ka warbixiyay  doorka uu xafiiska waxbarashadu ku leeyahay taaba galinta adeegyada caafimaadka bulshada gaar ahaan laga bilaabo caafimaadka caruurta gaadhay da’da waxbarashada ilaa laga gaadho waxbarashada dadka waawayn wuxuuna sheegay wasiirku xigeenka in ay ka xafiis ahaan sii xoojinayaan taaba galinta adeegyada caafimaadka la gaadhsiinayo bulshada.

Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii kulankaasi gudoomiyaha golaha sare ee arimaha islaamka DDSI mudane sheekh  cabdiraxmaan xasan xuseen iyo garaad kulmiye garaad maxamed dool waxayna ka warbixiyeen doorka  wacyigalineed ee ay odayaal dhaqameedka deegaanka iyo hogaaminta arimaha islaamku ku leeyihiin ka hortaga cudurada ku dhaca bulshada gaar ahaan talaalka caruurta waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan kaalinta kaga aadan dhinaca wacyigalinta.

Ugu dambayntii kulan waynahan oo socondoona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa lagu qorfayn-doonaa tabaha iyo xeeladaha lagu hirgalinayo  qorshaha kor u qaadista talaalka caruurta iyo horumarinta qorshaha cusub ee 3 sano ee talaalka joogtada ah.