Shirkii Golaha Dhexe Ee XDSHSI Oo Soo Xidhmay

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 27ka December 2017. Shirkii caadiga ahaa ee golaha dhexe ee XDSHSI oo socday mudo 4 maalmood ah laga soo bilaabo 15kii bishan Tahsas sanadka 2010TI ilaa 18kii isla bishan Tahsas oo kubeegnayd 24kii December ilaa 27ka December ee sanadkan 2017 ayaa galinkii danbe ee maanta lasoo gabagabeeyay.

Hadaba shirkan golaha dhexe ee XDSHSI oo ay hogaaminayeen gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid isaaq iyo gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ajandayaasha horyaalay golaha waxay ahaayeen: Qiimaynta geedi-socodka qorshaha waxqabadka 2010Ti gaar ahaan dhanka horumarka khaasatan barnaamijka BBC( biyo, baad, beer, cilmi, calaf iyo caafimaad), Shaqooyinka laga qabtay dhanka biyaha gaar ahaan biyo-galinta iyo dhamaystirka ceelasha, Sidoo kale shaqooyinka laga qabtay dhanka jidadka iyo buundooyinka kuwaas oo saldhig u ah iskuxidhka guud ahaanba degmooyinka, Gobolada iyo tuulooyinka deegaanka, Shaqooyinka maamulka suuban, qiimaynta waxqabadka Dhanka nabadgalyada gaar ahaan warbixintii waxqabadka xasuuqii udanbeeyay ee kadhacay galbeedka hararge iyo sidii dib-udajin loogu samayn lahaa barakacayaasha soomaalida ah iyo waliba qiimaynta waxqabadka shaqooyinka xisbiga iyo xidhiidhka dadwaynaha dal iyo dibadba.

Waxaana ugu horayn furitaankii kadib warbixinta xaalada xasuuqa dadkii soomaalida ahaa ee kunoolaa gudaha deegaanka oromada bilaw ilaa dhamaad kasoo jeediyay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal oo golaha usoo bandhigay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu deegaanku ka qabtay xasuuqii loo gaystay dadkii soomaalida ahaa ee kunoolaa galbeedka hararge ee deegaanka oromada iyo shaqooyinkii ay dawlada federalka ah kaqabatay maadaama uu ahaa gudoomiyaha gudiga dabagalka ee loo xilsaaray xaaladii xasuuqa Isagoo sidoo kale madaxwayne kuxigeenku kawarbixiyay xaalada barakacayaasha dadka soomaalida ah iyo sidii dibu-dajin loogu samayn lahaa.

Dhanka kale madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa golaha uga warbixisay qorshihii waxqabadka ee dhanka horumarka gaar ahaan barnaamijkii BBC(biyo, baad, beer, calaf, cilmi iyo caafimaad) ee kor loogu qaadayay dhaqaalaha nolosha bulshada.

Sidoo kale, madaxa arrimaha siyaasada ee xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cumar Maxamuud ayaa golaha usoo jeediyay warbixintii waxqabadka arrimaha Xisbiga iyo waliba xidhiidhka dadwaynaha dal iyo dibadba.

Hadaba, Qiimayn iyo kawada hadal kadib ayaa wuxuu goluhu hoosta kaxariiqay in shaqooyin muhiim ah laga qabtay islamarkaana guulo waawayn laga soo hoyiyay qorshayaashii dhanka horumarka iyo nabadgalyada gaar ahaan dhinacyada biyaha, buundooyinka, jidadka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka, arrimaha xisbiga iyo xidhiidhka dadwaynaha dal iyo dibadba iyo shaqooyinka maamulka suuban laga qabtay. Kadibna golaha ayaa cod buuxa ku ansixiyay guud ahaanba waxqabadka geedi-socodka qorshayaasha 2010TI ee xukuumada iyo XDSHSI.

Dhanka kale golaha ayaa canbaareeyay dhacdadii foosha xumayd ee xasuuq wadareedkii ka dhacay galbeedka hararge ee lagu xasuuqay dadkii soomaalida ahaa ee birmagaydada ahaa iyadoo goluhu kutilmaamay inay dhacdadani ahayd mid aan horay uga dhicin taariikhda abid dalkeena itoobiya. Golaha ayaana tacsi tiiraanyo leh udiray eheladii iyo qaraabadii dadkii soomaalida ahaa ee xasuuqa loogu gaystay badhtamaha deegaanka oromada.

Ugu danbayna golaha ayaa si fiican iskula afgartay qiimayntii waxqabadka geedi-socodka qorshaha 2010TI iyo jihooyinka waxqabadka horumarineed laga qabtay. Wuxuuna shirkani kusoo xidhmay jawi wanaagsan iyadoo goluhu isla qaatay: in lasii dardargaliyo lana dadajiyo shaqooyinka horumarka ee shacabka loo hayo, kashaqaynta arimaha nabadgalyada gaar ahaan sidii nabadgalyo waarta looga dhalin lahaa loona soo afjari lahaa khilaafka xuduuda ee labada deegaan iyadoo  goluhu cadeeyay inay kago’antahay nabadaynta labada shacab ee walaalaha ah, waxaa kale oo uu goluhu isla qaatay sidii dibu dajin loogu samayn lahaa barakacayaasha dadka soomaalida ah.