Mashruuca Hab-Nololeedka Xoolo-Dhaqatada Ee Deegaanada Xoolo Dhaqatada Ah “RPLRP’’ Ayaa Fulinaya Mashaariic Ay Kubaxayso Lacag Ka Badan $ 16mln

Addisababa(cakaaranews)Khamiis, 28ka December 2017. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kaluumeysiga JDFI ayaa sheegtay in ay hirgelisay mashruuc wax wayn kataridoona hab  nololeedka xoola-dhaqatada deegaanada xoolo dhaqatada ah ee dalkeenan ethiopia kaasoo magaciisa loo soo gaabiyo (RPLRP) islamarkaasna ay kubaxayso 400 bilyan oo birr (qiyaastiina dhan $ 16.6 milyan oo doolar).

Hadaba, sida ay sheegtay wasaaradu “Mashruucan ayaa waxaa laga hirgaliyey 21 degmo oo ka kala tirsan dawlad deegaanada dalka ee kala ah DDSI, Oromiya Region, SNNP, iyo deegaanka Canfarta .iyadoo ujeedooyinka mashruucanina uu yahay kor u qaadista hab-nololeedyada Xoolo Dhaqato-Beerolayda  iyo waliba xoolodhaqatada reerguuraaga ah dajintooda. Waxayna wasaardu tilmaantay in mashruucani uu kor uqaadayo awooda dhaqan dhaqaale ee buslhada xoolo dhaqatada ah.  Sidookale mashruuca ayaa ah mid  gacan kagaysta ka jawaabida xaaladaha degdega ah,ee sida abaaraha””.

Dhanka kale, Mashruuca ayaa wuxuu sidookale diirada saaraya kor u qaadida dhanka helitaanka iyo ka faaiidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee bulshooyinka xoola-dhaqatada ah iyo kuwa xoolo dhaqato beeralayda ah.

Iskusoowada duuboo,  mashruucan RPLRP ayaa Sanad miisaaniyadeedkan 2010T.I uu xooga saari doona dhanka dhisidda dukaamada, bakhaarada raashinka ah,  xarumaha caafimaadka iyo waliba qodidda 15 ceel oo ah ceelasha dhaadheer. Iyadoo Mashruucana malgalintiisu ay katimid taageero dhaqaale oo uu dalku kahelay Baanka Adduunka.