MW Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Hor-Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga Ah Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Xafiiska iyo Waliba Ololaha Tirakoobka Dalka

Jigjiga (cakaaranews)Jumce, 29ka December 2017. Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo Warbaahita deegaanka u warantay ayaa sheegtay in da'daalo badan oo kala duwan uu xafiisku ka wado deegaanka dadaaladaas oo ku'aadan waxsoosaarka iyo kafaaiidaysaiga dhulka islamarkaana ka warbixisay qorshayaasha iyo waxqabadka xafiiska.

Hadaba, Marwada oo si faahfaahsan uga hadashay qorshayaasha xafiiska iyo waliba waxqabadka ayaa sheegtay in xafiisku uu wado dadaalo badan oo ku aadan kafaa’iidaysiga waxsoosaarka dhulka iyadoo tusaale u sooqaadatay in xafiisku uu sameeyay 2 beerood oo waawayn kuwaas oo uu gacanta kuhayo islamarkaasna  ku kala yaala maraacato iyo bercaano. Waxayna xustay in beerta beercaano ay kasoogoday 68 baabuur oo ah calafka xoolaha  iyadoo beerta maraacatana ay ku dhawdahay wakhtigii goynta.

Dhanka kale, madaxwayne kuxigeenka ayaa ka warbixisay mashriicaha waawayn ee waraabka ee  Baka, Goomaar, wijiwaaji iyo maraacato. Iyo waliba sida larabo in looga faaiidaysto, Waxayna sheegtay in la wado shaqooyinkii iyo sidii bulshadu uga faaidaysan lahayd mashaariicahan islamarkaana la rabo in dhawaan ladajiyo bulshadii kafaa’iidaysan lahayd. Waxayna tilmaanatay in dalagyo kaladuwan laga beeray waxsoosaar fiicana uu kasoobaxay. sidookalana dhul beeraad badan laga diyaariyay aagga mashaariicaha, taasoo ay gacata ku hayaan xirfadlayaasha beeraha kuwaas oo uu xafiisku tababaro kaladuwan siiyay si aqoontooda kor loogu qaado. Waxayna carabka kudhufatay in dhawaan bulshada loo laqaybin doono  dhulbeeraadka ladiyaariyay si ay uga faaiidaystaan.

Sidookale, madaxwayne kuxigeenka oo ah Gudoomiyaha gudiga boardhiga tirakoobka deegaanka ayaa ka warbixisay tirokoobka dadka iyo guryaha gaar ee dhawaan deegaanka waxayna sheegtay marwadu in tirakoobku u bilaami doono bisha 6aad ee sanadka 2010. Kaasoo iskumar kadhici doona dhamaan deeganada dalka. Iyadoo ka deegaan ahaan la dhamaystiray shaqooyinkii ku aadanaa tirokoobkaas sida dhanka maabka iyo wacyigalinta bulshada. Waxayna xustay in sanadkan tirokoobku uu si wanaagsan u qabsoomi doono maadaama oo hada kahor aan tirokoob xaqiiqda katurjumaya laga samaynin deegaankeena islamarkaana jigjiga lagu buuxbuuxin jiray . Waxayna xustay in tirokoobku faaiido badan u leeyahay deegaanka maadaama oo uu dalku miisaaniyada kuqaybsado tirada dadka uu leeyahay deegaan kasta.

 

Ugudanbayna, marwada ayaa kuladardaarantay bulshada deegaanka in  si wada jir ah looga wada qayb qaato dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban. Sidookalana ay bulshada deegaanku si fiican uga qatybqaadataan tirokoobka kaasoo dhawaan ka bilaaban doona deegaankeena