Addis-ababa,(cakaaranews), talaado, 9ka January, 2018. Raysul-wasaaraha JDFI mudan Hailemaraim Dessaleng ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday wadanka suudaan oo uu hogaaminayay abaanduulaha ciidamada difaaca dalka sudan litenal general Emad Aldin mustafa raysli wasaaraha ayaa ugu horayntii waftigan ku soo dhaweeyay dalka itoobiya islamarkaana sheegay in itoobiya iyo wadanka suudaan uu u dhexeeyo xidhiidh wanaagsan oo ku salaysan iskaashiga labada dal islamarkaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashigaasi
Dhankiida abaanduulaha ciidamada difaaca dalka suudan Litenal General Emad Aldin Mustafa ayaa gudoonsiiyay raysal wasaaraha JDFI dhambaal warqadeed oo uu uga siday madaxwaynaha dalka sudan cumar xasan albashiir wuxuuna u mahad naqay raysil wasaaraha JDFI sida meeqaamka sare ah ee uu u qaabilay wuxuuna ka sheegay xidhiidhka qotoda dheer ee wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo jihooyinka lagu sii xoojinayo iskaashigaasi isaga oo intaasi ku daray in itoobiya iyo sudan ay yihiin laba dal oo wadaaga istaraatiji mug wayn sii adkayn doonaan iskaashi gooda si dookalana ka wada hortagi doonaan caqabadaha imankara.
Madaxa Xafiiska Raysul wasaaraha JDFI ee Waaxda Adeegyada Warbaahinta iyo isgaadhsiinta lehna awood wasiir mudane Sadig Abraha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay mudadii uu socday kulanka Raysil wasaaraha JDFI iyo waftigan ka socday suudaan si qoto dheer uga wada hadleen arimo ku aadan iskaashiga laba geesoodka ah ee arimaha qaarada, mandaqada geeska iyo xaaladaha caalamka. Islamarkaana diirada lagu saarayay sii xoojinta iskaashiga labada dhinaca isaga oo intaasi ku dareen in Raysalwasaaruhu u xaqiijiyay waftigan sida ay itoobiya uga go-antahay sidii loo sii xoojin lahayd iskaashiga muga wayn labada dal ka soo dhexeeyay guyaal badan,
Ugu dambayntii waxaa xusid mudan in mudaddii uu kulankani socday labada dhinac ku heshiiyeen sidii ay u sii karaar galinlahaayeen iskaashiga ku qotoma arimo kaladuwan oo heer qaaradeed ah iyo caalamba ah sidii faaiidooyinka gaarka ah u gaadhaan itoobiya iyo dalka sudan si looga midho dhaliyo xidhiidhka xoogan ee ku salaysan arimo bulsho,siyaasadeed, iyo dhaqaale. loona joogteeyo kor u qaadista iskaashiga millatariga iyo nabadgalyada ee ay labada dal si wada jir ah u gaga hortagayaan argagixisada.