Xafiiska Xorumarinta Xoolaha iyo reer-guuraaga DDSI Oo Koox dhakhatiirta xoolaha ah u diray qaarka mid ah Gobolada DDSI.

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 9ka, February, 2018. Xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer-guuraaga DDSI ayaa maanta koox dhakhaatiirta  caafimaadka xoolaha ah ,daawooyin iyo qalabka talaalka xoolaha ah u diray gobolada Nogob iyo Daawo si looga hortaga xanuunada faaha ee ku dhaca xoolaha kuwaasi oo xoojinaya xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha ee ka hawlgala goboladaasi islamarkaana tagidoona goob kasta oo ay ku nool yihiin xoolaha goboladaasi.

Waxaana, uga warbixiyay warbaahinta deegaanka ujeedada  loo dirayo kooxdan dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha gadhwadeenka geedi socodka waaxda caafimaadka xoolaha ee xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer-guuraaga DDSI mudane mudane Dr Maxamed Maxamuud Liibaan  oo sheegay in ujeedada loo diray tahay si ay u soo fuliyaan islamarkaana kor ugu soo qaadaan adeegyada caafimaadka xoolaha  gaar ahaan talaalka iyo daawaynta xoolaha ku dhaqan gobolada Nogob iyo Daawa. Masuulka ayaa sheegay in ay sidoo kale kooxdan dhakhaatiirta ah soo  samayndoonaan   xogta ururinta  caafimaadka xoolaha iyo daraasaad ku saabsan hanaanka looga hortaga cudurada dilaaca, faafa ee  ku dhaca xoolaha deegaanka wuxuuna intaasi ku daray in ay kooxdan dhakhaatiirta ah ee maanta baxay  ay talaal iyo daawayn ku soo samayndoonaan  xoolo dhan 630 kun oo Neef kuwaasi o laga dawayn-doono cudurada ku dhaca xoolaha.  

Isku soo wada duub oo xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer-guuraaga DDSI ayaa dadaal xoogan ugu jira taaba galinta qorshayaasha lagu horumarinayo xoolaha deegaanka iyo guud kor u qaadista nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah si ay xoolaha deegaanku u noqdaan kuwa ka caafimaad qaba cudurada ku dhaxa xoolaha islamarkaan u noqdaan kuwa cad iyo caano taya leh laga helo.