Xafiiska Guud Ee Jaaliyada DDSI North America Oo Si Rasmiya Xadhiga Looga Jaray.

Minneapolis,(cakaaranews), sabti, 10ka February, 2018. Waxaa maanta si rasmiya xadhiga looga jaray xafiiska guud ee ay jaaliyada DDSI ee waqooyiga cariga marakanku yeelandoonto wadankaasi  xafiiskaasi oo adeeg hufan siindoona guud ahaanba jaaliyada DDSI ee ku  nool wadanka maraykanka sidoo kalena kaalin mug wayn ka qaadan doona isku xidhka iyo sii xoojinta xidhiidhka qurba joogta DDSI iyo xukuumada DDSI.

Waxaana furitaankii xafiiska qurba joogta jaaliyada DDSI ee waqooyiga america oo laga furay magaalada Minneapolis goob joog ka ahaa masuuliyiinta ugu saraysa hogaaminta jaaliyada DDSI iyo gudida guurtida xubnaha jaaliyada DDSI .

Haddaba, waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay xafiiska cusub ee maanta ay furatay jaaliyada waqooyiga america wasiirka xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane wuxuuna ugu horayntii u mahad celiyay dadaalka balaadhan ee ay muujiyeen jaaliyada DDSI ee north america isaga oo sheegay in uu xafiiskan maanta la furay ka mid yahay hirgalinta qorshayaasha uu dhawaan bilaabay xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI  oo dhawaan dib u habayn lagu sameeyay qaabdhismeedkiisa  wasiirka ayaa sheegay sidoo kale Dhawaan la furidoono  Xafiisyo kale oo waawayn kuwaasi oo  Laga furidoono Goobo Looxushay  si ay kaalin  mug wayn ku yeelandoona  Iskuxidhka Qurbajoogta DDSI Kunool qaaradaha aduunta iyo deegaanka soomalida itoobiya.

Ugu dambayntii waxa uu wasiirku u mahad celiyay   Waftigii  masuuliyiinta xukuumada DDSI ee Dhawaan Hawlaha Shaqo Ku tagay Cariga  Maraykanka,  Hogaaminta sare ee jaaliyada iyo Xubnaha gudida  Jaaliyada Waqooyiga Maraykanka oo hadh iyo Habeenba Ka shaqaynayay Halgan adagna u Galay  Gaadhida Guulahan Maanta Midha dhalay.