Munaasabada Xuska 7aad Ee Ciidanka Qaranka Dalka Oo Si Meeqaam Sare ah Looga Xusay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), axad, 11ka , February, 2018. Waxaa maanta si qurux badan loogu xusay  caasimada deegaanka ee jigjiga  munaasabada  xuska 7aad ee  ciidamada qaranka dalkeena itoobiya oo guud ahaanba maanta laga xusay dalka oo dhan.

Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada qaranka qaybta ka hawlgasha Deegaanka, masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI, masuuliyiinta saraaka ciidamada kala duwan ee amniga DDSI, masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga iyo marti sharaf kale

Waxayna, cudubyada kala duwan ee ciidamadu ku soo mareen gaardo ka ciyaar wadooyinka waawayn ee caasimada deegaanka ee jigjiga waxayna, ka sokow xuskan ciidanka ee la xusayay maanta  dhinaca ciidamada kala duwan ku taageerayeen wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya ee Abay iyaga oo iibsanayay  bondhiga wabiga abay taasi oo ay ugu talagaleen in ay ku sii xoojiyaan dadaalka ay ugu jiraan hirgalinta dhismaha wabiga abay.

Waxaana ugu horayntii furay munaasabadan madaxa xafiiska maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Cabdicasiis Mahad oo sheegay in uu ku faraxsan yahay munaasabadan 7aad ee sida quruxda badan loogu maamusay caasimada deegaanka ee jigjiga wuxuuna sheegay in ay aad u soo dhawaynayaa ka maamul magaalo ahaan munaasabadan iyo sidoo kale ka qaybgalka ciidamada kala duwan ay kaga qaybqaateen taageerada wabiga dib u curashada abay.

Dhankiisa waxaa ka hadlay munaasabadan komoshineerka komishinka booliska DDSI mudane Farxaan Daahir oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka munaasabadan iyo guulaha ay soo hooyeen ciidamada qaranka iyo ciidamada kala duwan ee amniga deegaanka wuxuuna komishineerku ugu mahad celiyay ciidamadan kala duwan sida muwaadin nimada leh ee ay uga qayb-qaateen hirgalinta nabadgalyada dalka iyo sidoo kale ka qaybgalka wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya.

Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabadan taliyada kifla doorka 38aad ee ciidanka difaaca qaranka JDFI kornayl Xayle Tasfaye oo sharax dheerka bixiyay guulaha waawayn ee ciidanka difaaca qaranku ka soo hooyeen hirgalinta iyo nabadgalyada guud ahaanba dalka iyo waliba sidoo kale guulaha ay ka soo hooyeen nabadgalyada wadamada dariska wuxuuna sheegay koraylku in ay sii laba jibaarayaan ciidanka qaranku dalaalka ay ugu jiraan joogtayna nabadgalyo waara oo aan soo noqlahay.

Ugu dambayntii waxaa ka hadlay munaasabadan hogaan ku xigeenka nabadgalayada  maamulka iyo cadaalada mudane Ahmed Maxamuud Axmed oo si qoto dheer uga warbixiyay guulaha ciidamada kala duwan iyo shacabka DDSI ka soo hooyeen hirgalinta nabadgalyada deegaanka iyo guud ahaanba dalka islamarkaana sii xoojinayaan dadaalka muga leh ee ay soo wadeen sanadihii ugu dambeeyay wuxuuna ku amaanay ciidamda kala duwan ee amniga deegaanku sida ay munaasabadan  ugaga qayb-qaateen taageerada wabiga dib u curashada dalkeena itoobiya.