Qurbajoog U Dhalatay DDSI Oo Lagu Soo Dhaweeyay Caasimada Deegaanka

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 16ka March 2018. Lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurbajoogta DDSI oo ay waheliyaan mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo qaar kamid ah odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa si diiran garoonka caalamiga ah ee garaad wiilwaal ugu soo dhaweeyay Qurbajoog u dhalatay DDSI oo ka timid wadanka waqooyiga america

Hadaba, soodhawyn kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Lataliyaha Madaxwaynaha Dhanka Xalinta Cabashooyinka Ahna Wasiirka Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Sahane Cilmi oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soodhawaynta ay maanta kusoodhaweeyeen qaroonka diyaaradaha ee garaad wiilwaal qurbajoog udhalatay DDSI. Kuwaaso kayimid wadanka waqooyiga America. Wuxuuna intaa kudaray in qurbajoogtan uu horkacayo mudane Siyaad axmed carab Kaahin oo kamid ah gurtiga jaaliyada waqooyiga America. Kaasoo ah muwaadin udhashay DDSI islamarkaana hawlkar ah kana mid ah gurtida jaalaiyada waqooyiga America.

Dhankakale, mudane siyaad iyo qurbajoogtii wahelinaysay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha ay yimaadeen caasimadooda islamarkaana ay umahadcelinayaan masuuliyiinta iyo odayaal dhaqmeedka sida quruxda badan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada jigjiga ee garaad wiilwaal.

Iskusoowada duubo, nasasho yar kadib ayaa masuuliyiinta iyo qurbajoogtuba usoo baxeen dhanka magaalada jigjiga.