Tababar Ku Saabsan Barnaamijka Cad-cadaanta Iyo Isla-xisaabtanka miisaaniyada Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews) sabti, 17ka, March, 2018.Tababar uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI oo loo qabtay ardayda iyo maamulayaashal ka socday 10 dugsi oo ka mid ah dugsiyada maamulka magaalada jigjiga ayaa ka furmay xarunta deegaanka ee jigjiga.

Tababarkan oo ay ujeedadiisu tahay sidii ardayda iyo maamulayaasha fahan buuxa  looga siinlahaa barnaamijka cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka miisaaniyada  gaar ahaan geedi socodka miisaaniyada deegaanka, ilaha miisaaniyada deegaanka iyo waxqabadka miisaaniyada ayaa waxaa  furitaankiisii kahadlay wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in tababarkan qayb ka yahay xoojinta barnaamijka cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka gaar ahaan sidii fahan balaadhan looga siin lahaa qaybaha kala duwan ee bulsahda, guud ahaan hanaanka geedi socdka miisaaniyada, ilaha iyo waxa lagu qabto miisaaniyada si uu shaqsi kastaaba u ogaado wax lagu filiyo miisaaniyada iyo ilaha laga helo miisaaniyada deegaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in horumarka xawliga ku socda ee ka hirgalay deegaanka ay qayb ka tahay barnaamijka cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka miisaaniyada iyo hagaajinta habsamu u isticmaalka miisaaniyada taasi oo sidii loogu talagalay loogu fuliyo miisaaniyada qorshayaasha horumarineed ee deegaanka. Wasiirka yaa kula dar-daarmay ardaydan iyo maamulayaashan loo qabtay tababarka in ay ka fahan buuxa ka qaataan cashirada lagu bixinayo tababarka islamarkaana uga faa’iideeyaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka yimaadeen.