Hormuudka Maxaabiistii Ay Xukuumadu Cafiska Ufidisay Oo Guryo Casri Ah Laguwareejiyay

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 18ka March 2018. Waxaa guryo si casri ah loo dhisay lagu wareejiyay hormuudkii maxaabiistii lagasoo daayay xarumaha dhaqan toosinta deegaanka ee ay dhawaan xukuumadu cafiska ufidisay .

Hadaba hormuudkan maxaabiista xarumaha dhaqantoosinta lagasoodaayay ee xukuumadu cafiska ufidisay ayaa waxaa kadib markii tababaro kusoo qaateen kulayadaha deegaanka guryahan sida casriga loo dhisay furayaashooda ku wareejiyay taliyaha  guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee deegaanka ahna kusimaha hogaanka nabadgalyada, maamulka iyo cadaalada DDSI general Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale iyo maayarka MMJ mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay  hormuudkii maxaabiistii ay xukuumadu cafiska ufidisay oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin marka koobaad cafiska ay xukuumadu u fidisay iyo inay cafiska kadib intii tababaro kaladuwan lagu siiyay kuliyadaha deegaanka hadana maanta lagu wareejiyay guryihii ay ku noolaanlahayeen oo si rasmi ah loogu wareejiyay, waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada deegaanka oo run ahaantii si wanaag iyo sharaf ku dheehantahay ula dhaqmay mudadii ay ku jireen xeryaha dhaqan toosinta iyo hada oo ay kasoo baxeen.