Tababar Ku Saabsan Horumarinta Xirfada Barayaasha Oo ka furmay jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 20ka March, 2018. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga ee xarunta deegaanka  tababar uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI oo ku saabsan  horumarinta manhajka afsoomaliga ee 5aad  ilaa 8aad iyo  barnaamijka kor u qaadista  horumarinta joogtaynta xirfada barenimada.

Haddaba, Tababarkan oo loo qabtay barayaasha fasalada 5 ilaa 8aad oo ka socday dugsiyada degmooyinka gobolka faafan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka  uga warbixiay ahmiyada tababarkan gadhwadeenka geedi socodka horumarinta macalimiinta iyo hogaaminta waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabixakiin Maxamed Cali oo sheegay in ahmiyada tababarkan  tahay sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta  barayaasha afsoomaliga ee fasalada 5aad ilaa 8aad, loona horumarinlahaa  manhajka afka soomaliga iyo waliba  barnaamijka kor u qaadista  iyo joogtaynta horumarinta  xirfada baranimada ee afka qalaad loo soo gaabiyo (CPD),   masuulka ayaa intaasi ku daray  in tababarka  mid la mid ah uu ka bilowday maanta dhamaan gobolada DDSI islamarkaana uu socondoono muddo 10 maalmood ah. 

ugudanbayna, agaasinka ayaa carabka kudhuftay in tababarkani markuu dhamado laga filayo natiijooyin horumarineed kuwaasoo waxtar uyeesha macalimiinta iyo waliba nidaamka baris barasho ee udhaxeeya ardayda iyo macalimiinta.