Shirkii Golaha Dhexe Ee EPRDF Oo Si Habsami Leh Usocda

Addis-ababa(Cakaaranews) Arbaco 21ka March 2018. Waxaa si habsami leh xarunta dalka ee magaalada Addis-ababa uga socda shirkii golaha dhexe ee xisbiga EPRDF oo galay maalintiisii 2aad iyadoo ajandayaasha shirkan ee horyaala golaha dhexe ee EPRDF ay yihiin: Akhriska qormada 1aad ee xaalada guud ee uu wakhti xaadirkan dalku kusugan yahay, Kadoodida qormada dhaqaalaha wadanka, Shirwaynaha xisbiga EPRDF oo uu wakhtigiisii gaadhay in dib loo dhigo iyo in kale iyo Doorashada raisal-wasaaraha cusub ee wadanka.

Hadaba mar aan wax kawaydiinay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar xaalada iyo geedi-socodka shirka ayaa wuxuu madaxwaynuhu noo sheegay in maalintii koobaad ee shirka ay ahayd akhriska qormooyinka khuseeya xaalada guud ee dalka maantana ay ahayd kadoodistii iyo qaadaa dhigida qormooyinkii xaalada guud ee dalka iyo in sidoo kale uu shirku ugu socdo si habsami leh islamarkaana ay 4ta urur ee uu xisbiga EPRDF kubahoobay ay gaadheen isfahan buuxa  oo xaqiiqada ku salaysan oo lagaga gudbayo dhibaatooyinkii dhacay laguna sii xoojinayo horumarka xawliga ah ee kamid noqoshada wadamada uu dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in dooda hogaaminta xisbiga EPRDF ay ahayd mid cidkasta oo hadasha ay xaqiiqada kahadlaysay iyo sidii loosii adkayn lahaa midnimada guud iyadoo cidwalba qoomamaynaysay wixii dhacay islamarkaana tilmaamaysa jihooyinkii lagaga bixi lahaa. Madaxwaynaha ayaana shirkan kutilmaamay inuu yahay mid wax wayn laga baran karo.

Sidoo kale, shirkan golaha dhexe ee EPRDF usocda ayaa lagaga dooday inay munaasab tahay in ururada bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF oo uu ugu horeeyo XDSHSI ay kamid noqdaan xisbiga EPRDF marka la eego isbadalada horumarineed, nabadgalyo, maamul suuban iyo kadimuqraadiyadeed ee ay ku talaabsadeen. Waxaana Isfahan guud oo buuxa la iskula qaatay in ururada bahwadaagta ahi ay kamid noqdaan xisbiga EPRDF.

Ugu danbayna shirkan golaha dhexe ee xisbiga EPRDF oo kasii socon doona xarunta dalka ee magaalada adhisababa lagagana sii doodi doono ajandayaasha hadhay ayaa lafilayaa inay kasoo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah.