Kulan Wacyigalin Ah Oo Ku saabsan ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDISK Ayaa Ka Dhacay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 23ka, March , 2018Kulan wacyigalin ah oo uu soo diyaariyay xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV-AIDISKA ee DDSI oo loo qabtay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ayaa ka dhacay magaalada jigjiga.

haddaba, Kulankaasi oo lagu qorfaynayay siyaabaha looga hortaga cudurkan islamarkaana ay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI uga qaadan lahaayeen kaalinta ay ku leeyihiin  dhinaca wacyigalinta bulshada ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan gadh-wadeenka geedi socodka qarshaynta xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV AIDISKA ee  DDSI mudane Cabdiwali Samriye wuxuuna sheegay in uu kulankani ka mid yaha dadaalka xafiisku ugu jiro sidii looga hortagilahaa loona xakamayn lahaa cudurka HIV AIDISKA islamarkaana looga baahan yahay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI in ay wacyigalintooda ku darsadaan sida looga hortaga ee loo xakameeyo cudurka HIV AIDISKA.

Dhankooda qaarka mid ah kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI oo lahadlay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in uu ahmiyad wayn u leeyahay kulankani dadaalada loogu jiro sidii looga hortagilahaa loona xakamayn lahaa cudurka HIV AIDISKA waxayna sheegeen in ay kaalinta kaga aadan ka kooxo ahaan ee dhinaca wacyigalinta bulshada sii dar-dargalinayaan dadaalkooda.