Xafiiska Waxbarashada Oo Kulan Layeeshay Gabdhaha Loo Tababarayo Hogaaminta Dugsiyada Jijiga.

(cakaaranews),sabti, 24ka March 2018. Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada kaqabsoomay kulan balaadhan oo uu soo agaasimay xafiisku islamarkaana ay kasooqaybgaleen wareega 2aad ee gabdhaha loo tababarayo hogaamiyanimada dugsida sare iyo dugsiyada dhexe kuwaasoo waxbarashada hogaamiyenimo ay uga socoto jaamacada jigjiga.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo sheegay in kulankan ujeedadiisu tahay mid xogwaraysi ah islamarkaana lagu kalaqaadanayo sidii isbadalmuuqda looga keeni lahaa tayada waxbarashada iyo dhamaan nidaamyada baris barasho ee dugsiyada deegaanka kadib markii ay waxbarahsda dhamaystaan. Wuxuuna intaa kudaray in gabdhahani ay yihiin gabdhihii macalimiinta iyo kormeerayaasha isugujiray islamarkaana heerarkooda aqoomeed ay isugujiraan degree iyo diploma lagana soo kala xulay dhamaan degmooyinka deegaanka. Wasiir-kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmamay in xukuumada DDSI ay mudnaan balaadhan siisay hogaaminta dumarka islamarkaana dumarku ay door muhiim ah kaqaateen isbadalka horumarineed ee deegaanka kahanaqaaday.

Sidookale wasiir-kuxigeenka ayaa sheegay in gabdhaha hogaaminta loo tababaray ee dugsiyada deegaanka uu xafiisku bilaabay sanadkii hore oo uu 69 gabdhood siiyay tababarka hogaaminta kunaqaateen jaamacada jigjiga kadibna lagu kala meeleeyay 69 dugsi oo isugujiray dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, sanadkana uu soo xareeyay 130 dumar ah oo isugujira macalimiin iyo kormeerayaal. Taasina ay tahay mid sectorka waxbarashada heer dal iyo heerdeegaanba uu qorsha u qaatay deegaanada kale ee dalkeenana uu kasocdo mudnaan badan lagasiiyay hoogminta dumarka ee dugsiyada, kadib markii darasaayo kaladuwan lagu ogaaday tayada maamulanimo ee ay dumarku leeyihiin.

Dhankakale, gabdhahan tababartayaasha hogaaminta dugsiyada oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan kaasoo ay ugu xaraysan yihiin jaamacada jigjiga. Waxayna xuseen in casharadii ay sifiican ugu socdaan islamarkaana ay balanqaadayaan kadib markay dhamaystaan tababarka in ay waajibaadka loo idmado ay siwadaniyadleh oo daacadi kudheehan tahay uga sooo bixi doonaan. Ugudanbayna wasiirkuxigeenka oo uu waheliyo agaasinka horumarinta macalimiinta ayaa dadaaran usoojeediyay gabdhaha taasoo ku aadanayd in tababarkan mudada gaaban ee 3 builood ah ee uusocdo sifiican loo qaato islamarkaana ay noqdaan gabdho waxqabad keena si gabdhaha kadanbeeya ay ugu daydaan