Tababar Kor Looguqaadayo Garaadka aqooneed Ee Shaqaalaha Xafiiska Beeraha Ee Heer Deegaan Iyo Heer Degmo Ayaa Ka qabsoomay Xarunta Deegaanka

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 25ka March 2018. Tababar uusoo agaasimay xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah waaxdiisa damaanad qaadka cuntada oo loo qabatay shaqaalaha mashruuca PSNP qaybta unuga xooga shacabka ee heer deegaan, qaarkamid ah shaqaalaha waaxda khayraadka dabiiciga ee ka hawlgala degmooyinka uu ka hawlgalo mashruuca PSNP ayaa ka qabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba wasiir kuxgiinka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane Axmed shukri oo ugu horayn ka hadlay tababarkan ayaa ku booriyay xubnahan inay tababarkan qaadanayay gaar ahaan qaybta xooga dadka si kor ugu qaadaan shaqooyinka dhanka adeegyada bulshada, caafimaadka waxbarashada, ilaalilinta deegaanka iyo IWM. Wuxuuna wasiir kuxgeenku intaa kudaray in loobaahanyahay in kor loo qaado dhamaan kafaaiidaysatayaasha mashruucan oo ka hawlgala 46 degmo ee deegaanka ah. Isagoo ku adkeeyay tababar qaatayaasha inay fahanka ay ka qaataan tababarkan si fiican ugu gudbiyaan goobaha ay ka hawlgalaan.

Iskusoo wada duuboo mashruucan PSNP qaybta xooga dadka ayaa waxay taageero joogta ah siiyaan shacabka ku dhaqan degmooyinka ay ka hawlgalaan iyagoo lasiiyo tababar ku qotama ilaalinta kaymaha, ilaalinta carada iyo biyaha, horumarinta kaymaha iyo aas-aasida xarumo lagu xanaaneeyo dhirta. Waxaa kale oo uu mashruucu ka shaqeeyaa dhismayaasha kaabayaasha bulshada sida dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo disida ceelasha biyaha,