Qurbajoog U Dhalatay DDSI Oo Soo Booqday Mashaariicaha Horumarineed Ee Laga Hirgaliyay Degmada Mula..

Mula(cakaaranews)Isniin, 26ka March 2018. Qurbajoog udhalatay DDSI oo ka timid cariga maraykanka islamarkaana kasoojeeda gobolka faafan ayaa kormeer indho indhayn ah kusoomaray mashaarriicaha laga hirgaliyay degmada mula islamarkaana si wayn ugu riyaaqay kadib, markii laga waraystay kana warbixiyeen.

qurbajoogtan oo uu horkacayo Wasiir kuxigeenka Xafiiska Khayraadka Biyaha DDSI Mudane Cabdiraxmaan Curaate ayaa waxay socdaalkoodan kusoo mareen mashaariico farabadan oo laga hirgaliyay degmada mula kuwaas oo ay kamidka yihiin buundada sida casriga ah loodhisay ee ay kakala gudbaan dadka iyo gaadiidkuba taasoo lasaaray togoga faafan iyo jarar ee labad dhinac kakal mara degmada mula.  

Hadaba, qurbajoogtan udhalatay deegaanka gaar ahaan gobolka faafan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay indhahooda kusoo arkeen mashaariico badan oo isugujira biyo, caafimaada, jidad iyo waxbarasho, kuwaasoo ah kuwo tayo leh islamarkaana bulshadu sidii larabay uga faa’iidaysato.

Sidookale, qurbajoogtan ayaa tilmaamay inay arkeen dhamaan qaybaha kaladuwan ee xarunta caafimaadka degmada mula, ceelasha biyaha riigaga ah, kaydka biyaha (reserviorska) buundada quruxda badan ee lasaaray toga jarar iyo waxyaabokale oo badan.

Dhankakale, qurbajoogtan ayaa iyana waxay booqdeen barnaamijka BBC ee laga hirgalinayo degma Mula taasoo ah barnaamij lagu lagu tirtirayo saboolnimada islamarkaana bulshada danyarta ah ladajinayo loona diyaariyay xoolo, dhulbeereed, guryo iyo waliba agabkii cuntada iyo kii guriga.

Iskusoowada duuboo, qurbajoogtaan ayaa si aad ah ugu riyaaqay isbadalada horumarineed, nabadgalayo iyo ta maamulka suuban ee DDSI ee sida wayn bulshada deegaanku ugu diirsatay iyagoo baaq udiray dhamaan qurbajoogta kasoojeeda deegaanka in ay dhulkooda soobooqdaan islamarkaasna ay soo maalgashadaan.