Tababar Kor Loogu Qaadayo Waxsoosaarka Iskaashatooyinka Dhaqashada Shinida Ee Degmada Gursum

Gursum(Cakaaranews) Jumce 30ka March 2018. Tababar kor loogu qaadayo waxsoosaarka iskaashatooyinka dhaqashada shinada  ee degmada gursum islamarkaana fahan buuxa loogasiin lahaa qaabka casriga ah ee  loo isticmaalo gaaguuraha ayaa ka qabsoomay degmada gursum ee gobolka faafan.

Hadaba hawlwadeenadan ka socday xafiiska horumarinta xoolaha iyo reerguuraaga DDSI oo ka hadlay tababarka ayaa sheegay in ujeedad tababarkani yahay in iskaashatooyinkan dhaqashada shinada fahan buuxa laga siiyo dhaqashada casriga ah ee gaaguurta oo ka faaiido badan dhaqashadii dhaqaniga ahaa ee horey ujiray, waxayna hawlwadeenadu intaa ku dareen in iskaashatooyinku raacaan nidaamka dhaqashada casriga ah.

Ugu danbayna xafiiska horumarinta xoolaha DDSI ayaa wada tababaro kaladuwan oo kor loogu qaadayo hab nololeedka bulshada xoolo dhaqatada ah ee deegaanka islamarkaana la barayo qaabka casriga ah ee dhaqashada xoolaha oo ka faaiido badan qaabkii hore ee dhaqamiga ahaa.