Sanad Guurada 20aad Ee XDSHSI Oo Si Qurux Badan Looga Xusay Wadanka Jarmalka.

Frankfurt,(cakaaranews), sabti, 31ka, March, 2018. Jaahliyada DDSI ee wadanka jarmalka ayaa si qurux badan ugu xustay magaalad Frankfurt  munaasabada sanad guurada 20 jirsatay ee ka soo wareegtay aas aaskii XDSHSI.

Munaasabadan loogu  dabaal dagayay sanad guurada 20aad ee ka soo wareegtay aas aaskii XDSHSI oo ay jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalku si qurux badan u soo agaasintay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalka iyo qaybaha kaladuwan ee jaahliyada  DDSI ee dalkaasi Jarmalka.

Haddaba. Waxaa munaasabadan dhinaca aalada telifoonka kaga qaybgalay lataliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhinaca xalinta cabashooyinka ahna wasiirka qurba joogta DDSI mudan Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ugu horayntii ugu mahad celiyay jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalka  xafladan quruxda badan ee ay ku xusayaan sanad guurada 20aad ee XDSHSI iyo taageerada ay markasta la garab joogaan xukuumada iyo  Xisbiga.

Wasiirka ayaa uga  warbixiyay  qurba-joogta DDSI ee ee wadanka jarmalka   guulo wax ku ool ka  ah ee ay xukuumada DDSI iyo xisbigu ka soo hooyeen  jihooyinka horumarineed ee ay xukuumadu dajisatay gaar ahaan dhinacyada Biyaha, jidadka iyo buundooyinka ,beeraha, caafimaadka, waxbarashada, dib u dajinta, shaqo abuurka dhalinyarada iyo haweenka, ka qaybgalka haweenka  iyo guud ahaanba horumarinta kaabayaasha aas-aasiga ah ee nolosha bulshada, Wuxuuna intaa kudaray in xukuumadu ay guulo balaadhan kasoo hooysay  dhanka xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba iyo kor uqaadida maalgashiga qurba-joogta. Wuxuuna ku booriyay wasiirku in ay sii wadaan qurba joogtu dadaala balaadhan ee ay la garabtaagan yihiin xukuumada iyo xisbiga islamarkaana ay soo maalgashadaan deegaankood

Dhankooda hogaaminta jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalka iyo qaybaha kala duwan ee jaaliyada oo ka hadlay munaasabadan ayaa si qota dheer uga hadlay isbadalada horumarineed nabadgalyo iyo xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba ee uu soo hooyay XDSHSI waxayna, sheegaan in ay jaahliyad ahaan sii xoojinayaan ka qaybgalka hirgalinta qorshayaasha horumarineed iyo  nabadgalyo.