Qurba-joogta Gobolka Jarar Ee Jaaliyada Sweden Oo Qado Sharaf Usameeyay Waftigii Isku Dhafka Ahaa Ee Ka Socday Deegaanka

Stokholm (Cakaaranews) Khamiis 12ka April 2018. Qurba-joogta DDSI ee gobolka Jarar qado ee jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden ayaa waxay qado Sharafeed si heer sare ah loo soo agaasimay  Uqabteen  Waftigii isku dhafka ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,

Haddaba waftigan isku dhafka ah ee uu hogaaminayay wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa waxay qurba-joogtan gobolka jarar ee jaaliyada Sweden uga mahad celiyay sida quraxda badan ay usoo dhaweeyeen islamarkaana ugu sameeyeen qado sharfeedan quruxda badan.

Ugu danbayna waxaa qado sharafeedan ay soo agaasimeen qurb-joogta gobolka jarar ee jaaliyada Sweden khadka telefonka kaga qayqaatay lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurba-joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ugu horayn u mahadceliyay dhamaan qurba-joogta DDSI ee ku sugan dacalada dunida sida wadaniyada leh ee ay ugarabtaaganyihiin xisbigooda iyo xukumadaba, Wuxuuna lataliyuhu sidoo kale umahad celiyay qurb-joogta gobolka jarar ee jaaliyada Sweden oo runtii si quruxbadan usoo dhaweeyay islamarakaana qado sharaf usameeyay waftigii  isku dhafka ahaa ee kakoobnaa qaran-joogta iyo qurba-joogta, Isagoo intaa ku daray inay dadaalkooda halkaas kasii wadaan,