Mashruuca Cusub Ee Caymiska Xoolaha Oo Lagu Daahfuray Magaalada Jigjiga

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 16ka April 2018. Kulan lagu daahfurayay mashruuca cusub ee caymiska xoolaha ee  afka qalaad loogu yeedho satellite index insurance for pastoralist in Ethiopia (SIIPE) oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan mas’uuliyiinta xafiisyada iyo wakaaladaha bahwadaagta la ah xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI, mas’uuliyiinta xafiiska horumarinta xoolaha iyo reerguuraga DDSI iyo  mas’uuliyiin ka socday  hay’adaha MERCY CORPS iyo WFP, shirkadaha caymisyada dalka ee ku sugan deegaanka ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba furitaankii daahfurka mashruucan caymiska xoolaha ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasinka waaxda khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinat beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Badal Keenadiid Maxamed  oo ugu horayn u mahadceliyay dhamaan kasoo qaybgalayaasha daahfurka mashruuca islamarkaana si qoto dheer usoo jeediyay shaqooyinka iyo waxqabadka mashruucan cusub, isagoo ku tilmaamay in mashruucani yahay mid wax wayn ka badali doona sanada 1aad nolasha in kabadan 5000 oo qoys oo ah bulshada xooladhaqatada ah ee degmooyinka Cadaadle, Iimay Galbeed iyo qabridahar, Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in mashruucan caymiska xoolahu uu yahay mid caawinaya bulshada xooladhaqatada ah ee degmooyinkaas ee ay saameysay isbadalka cimilada oo keenay roob yaraan iyo waliba beerihii oo ka ba’ ay isbadalka cimilada owgeed islamarkaana uu mashruucani bulshada ka gacansiin doono dhanka, calafka xoolaha, dawada xoolaha, Biyaha iyo adeegyada aas-aasiga xiliyada abaaraha.

Dhankiisa waxaa isana daahfurka mashruucan ka hadlay  wakiilka mashruuca cusub ee caymiska xoolaha ee xafiiska beeraha mudane farxaan Cilmi oo sheegay inuu mashruucani yahay mid bulshada xooladhaqatada ah ee degmooyinka qabridahar, cadaadle iyo iimey galbeed ka caawin doona xiliyada abaarta gacana kasiin doona dhanka calafka xoolaha, dawada xoolaha, biyaha iyo baahiya aas-aasiga ah islamarkaana bulshada bari doona sida xoolaha loo badbaadiyo xiliyada abaarta.

Ugu danbayna waxaa dhankiisa ka hadlay iskuduwaha barnaamijka PSNP ee xafiiska horumarinat beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane Axmednuur Cabdi oo sheegay inuu mashruucani yahay mid sidoo kale gacansiin doono bulshada beeralayda ah ee degmooyinkaas islamarkaana uu saameeyay isbadalka cimilada isagoo ka gacan siin doono dhanka midhaha abuurka iyo waliba inuu ka gacansiin doono xiliyada roobyaraantu jirto ee ay beeruhu ka ba’aan.