RW Abiyu Ahmed Oo Golaha Wakiilada Shacabka JDFI Ka Ansixiyay Wasiirada cusub.

Addis-ababa,(cakaaranews),khamiis, 19ka April,, 2018. Raysul-wasaaraha JDFI Dr Abiyi Ahmed ayaa golahiisa wasiirada   ku sameeyay isku shaandhayn cusub wuxuuna golaha wakiilada shacabka maanta horkeenay liiska 16 xubnood oo kamid ah golaha kaabineega JDFI kuwaasi 6ka mid ah aykamid ahaayeen Kaabineegii hore oo loo sameeyay boos badal halka 10ka kale ay yihiin xubno cusub. Raysulwasaaraha ayaa sharaxaad dheerka bixiyay golaha wakiilada shacabka hortooda  xubinkasta aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo kartida masuuliyiinta cusub ee uu ku soo xushay ugu dambayntiina ka codsaday golaha wakiilada shacabka in la ansixiyo.Waana kuwan liiska magacyada  golaha wasiirada cusub.

1. mudane Shiferaw Shigute  -- wasiirka wasaarada beeraha iyo khayraadka xoolaha JDFI
2. Mudane Siraaj fegeesa -- wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI
3. Mudane ahmed shide --  af-hayeenka dawlada faderaalka
(communications affairs minister)
4. Ambaasaadar teshoome toga ---  wasiira wasaarada horumarinta shirkadaha dawlada 
5. Mudane cumar xuseen  --- mareeya guud ee wakaalada jibriyada iyo dakhliga JDFI

6.marwo ubax maxamed xuseen  ---  wasiirka isgaarsiinta iyo tiknoolajiga JDFI
7. Dr ambaajew makonin ---  wasiirka wasaarada warshadaha JDFI.
8.mudane mootuuma maqaasa ---  wasiirka wasaarada difaaca qaranka JDFI
9. Marwo fooziya aamiin  ---      wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska JDFI
10. Dr hirut G/mariam ---wasiirka wasaarada shaqaalaha iyo arrimaha bulshada JDFI
11.mudane jaantiraar abaay  Wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guryaynta

12. mudane meles alem   --- wasiirka wasaarada mac danta iyo tamarta

13. mudane birhanu tsagaaye  --- xeer ilaaliyaha guud 
14.marwo yelem tsagaaye    wasiirka wasaarada haweenka iyo c aruurta
15. Mudane malaaku alebal   wasiirka wasaarada ganacsiga
16. Dr amiir aman     wasiirka wasaarada caafimaadka.

Golaha wakiilada shacabka ayaa cod buuxa ku ansixiyay golaha wasiirada cusub ee uu Raysul wasaaruhu soo bandhiga islamarkaana halkaasi lagu dhaariyay golaha wasiiradan cusub

Ugu dambayn Raysilwasaaraha JDFI dr Abiyi Ahmed ayaa ka dib markii ay ansixiyeen golaha wakiilada shacabka waxa uu kula dar-daarmay golaha wasiirada cusub iyo kuwa laysku badalay in ka jawaabaan baahida shacabka lana  dagaalamaan musuqa, Dulsaarnimada islamarkaana yareeyaan shirarka aan muhiimka ahayn iyo waliba in ay wasaaradaha loo magacaabay bixiyaan adeeg fuhan oo ku salaysan baahida shacabka. Sidoo kale Raysulwasaaraha ayaa hor dhigay golaha wakiilada shacabka bayaanka qabyada ah ee dib u habaynta qaabdhismeedka  qaar kamid ah wasaaradaha JDFI iyada oo uu golaha wakiilada shacabka JDFI  cod buuxa ku ansixiyay.