Tababar Kusaabsan Xaqiijinta Iyo Ilaalinta Daryeelka Caruurta Oo Kaqabsoomay Magalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)jumce, 20ka April 2018. Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka kaqabsoomay Tababar ay si wada jir ah usoo agaasimeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI iyo hay'ada UNICEF islamarkaana ujeedadiisu tahay xaqiijinta iyo ilaalinta daryeelka caruurta. iyadoo tababarkanina uu qayb ka yahay mashruuc cusub oo xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI uu ka fulinayo degmooyinka babili, dhekasoft, cadaadle. gaashaamo iyo donod.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta DDSI Marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo kawarbixisay tababarka ayaa sheegtay in tababarkani yahay mid ay kasooqaybgaleen khabiiro kakalasocda xafiisyada Heer deegaan iyo dagmooyinka uu ka jiro barnaamijka emergencyga sida babili, dhekasoft cadaadle, danood iyo gaashaamo kuwaasoo tiradoodu dhantahay 50 xubnood. Waxayna intaas kudartay in tababarkani yahay mid ay kaqaybgakayaashu kubaranayaan daryeelka iyo ilaalinta caruurta xiliga emergencyga. waxayna xustay marwadu intababarkani qayb kayahay mashruuc cusub oo uu xafiisku kahairgaliyay qaar kamid ah degmooyinka islamarkaana lagu shaqaalaysiiyay 9 xubnood oo ah shaqaalaha loogu talagalay  fadinta adeega daryeelka caruurta lagana soo kala xulay isla degmooyinkaas.

Sidookale, Gadhwadeenka Geedisocdka Waaxda Daryeelka Iyo Ilaalinta Caruurta Ee Xafiiska Arrimaha Hawenka Iyo Caruurta DDSI Mudane Mursal Maxamed oo isna kahadlay tababarkan ayaa sheegay in tababarlkani yahay mid socon doona mudo 4 maalmood kaasoo casharada tababarka lagu qaadanayana ay yihiin daryeelka iyo ilaalinta caruurta xiliga emergencig, tacadiyada ka dhanka ah ee kusalaysan jinsiga, maaraynta kiisaska caruurta,  adeega taageerada maskaxda ee caruurta iyo barbaarinta wanaagsan ee caruurta.

Iskusoowada duuboo, Si looga jawaabo baahida daryeelka caruurta ayuu xafiisku hirgaliyay fulinta mashruucan daryeelka iyo ilaalinta caruurta waxa uuna xafiisku ka kaashaday miisaaniyada mashruucan ha’yada UNICEF