Baasaaboorka JDFI Oo Laga qaadandoono Xarunta Deegaanka Ee Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranws), sabti, 21ka April, 2018. Laanta socdaalka dalkeena itoobiya ayaa  masuuliyiinta ugu saraysa laantan socdaalku  waxay  waraysi ay siiyeen waraahinta kala duwan ee dalka  ku sheegeen in laanta socdaalka dalku  balaadhinayso xarumaha lagu bixiyo baasaaboorka dalka taasi oo ay sheegeen in xarunta deegaanka ee jigjiga sirasmiya dhawaan looga bilaabidoona bixinta baasaabaarka dalka.

Waxaana,  xusid mudan in  hadda ka hor laga qaadan jiray baasaaboorka dalka  magaalooyinka addis-ababa iyo direbadha islamarkaana ay bulshada deegaanka socdaal dheer iyo wakhtibadan ku qaadan jiray sidii ay u qaadan lahaayeen baasaaboorka dalk. Balse hadda wixii ka dambeeya  si dhibyar kaga qaadandoonaan xarunta deeganka ee jigjiga.