Tababar Kor Loogu Qaadayo Garaadka Aqooneed Ee Maamulayaasha Gobolada Oo Lagusoo Gaba-gabeeyay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 23da April 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kaqabsoomay Tababar uu soo agaasimay Geedi-socodka Horumarinta Dugsiyada  ee Xafiiska Waxbarashada DDSI islamarkaana ujeedadiisu tahay  nidaamka iyo horumarinta diyaarinta qorshaha dugsiyada iyo waliba  isticmaalka kaash buuga oo ah nidaamaka maamulka hantida (iskuul-gaarantiga)

Tababarkan, ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulayaasha iyo kormeerayaasha Clustarada ee kahawlgala dugsiya hoosyimaada degmooyinka gobolka faafan,jarar doolo iyo sitti.

Hadaba tababarkan ayaa waxaaxidhitaankeedii ka hadlay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo islamarkaana lagu dardargalinayo barnaamijyada lagu horumarinayo dugsiyada deegaanka. Wuxuuna intaas kudaray in tababarkani uu yahay mid lagu kobcinayo garaadka aqoomeed ee maamulayaasha iyo kormeerayaasha dugsiyada hoosyimaada faafan, jarar, dollo iyo sitti. Wuxuuna tilmaamay in tababarkani yahay mid diirada saaraya qorsha diyaarinta dugsiyada iyo waliba nidaamyada isticmaalka iyo maamulida hantida iskuul gaarantiiga, wasiirka ayaana xusay inuu tababarkan yahay mid fahan buuxa idinka siinaya sii xoojinta nidaamka barisbarasho oo ku salaysan nabadgalyada. Wuxuuna wasiirka kula dardaarmay tababar qaatayaasha inay sii gudbiyaan faaiidada ay ka heleen tababarkan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay in mudadii uu tababarku socday ay fahan buuxa ka heleen islamarkaana ay usii gudbin doonaan dugsiyadii ay kakal yimaadeen.