Mas’uuliyiin Heer-deegaan Ah Oo U Amba Baxay Wadanka Maraykanka

Adhisababa(cakaaranews)Talaado, 24ka April 2018. Waxaa wakhti xaadirkan gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Boole International airport ee magaalada adhisababa kabaxay mas’uuliyiin heerdeen ah oo uu hogaaminayo Madaxa Xarunta Dhexe Ee XDSHSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo uu waheliyo Maareeyaha Xarunta Daraasaadka Xoolaha Iyo Cilmi Baadhista DDSI Mudane Guuleed Aw-Cali Kaahin.  Socdaalkaas oo ah mid ay kaga qaybgali doonaan shir balaadhan oo kadhacaya wadanka maraykanka  gaar ahaan waqooyiga ameerika.

Hadaba, socdaalkan mas’uuliyiinta ayaa ah mid ay kaga qaybgali doonaan shirka kadhacaya waqooyiga ameerika kaasoo ay soo agaasimeen qurbajoogta DDSI ee kudhaqan  waqooyiga ameerika islamarkaana ay qurbajoogtu ku taageerayso  Socdaalkii taariikhiga ahaa ee uu Raisal Wasaaraha JDFI Dr Abiye Ahmed ku yimid deegaankeena.

Iskusoowada duuboo, shirkan ayaa ah sidookale mid lagaga wada hadlayo arrimo muhiim ah oo kusaabsan sii xoojinta horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee deegaanka ka hanaqaaday.