Gobolka Afdheer Iyo Tababar Kusaabsan Nidaamka Maamulka Suuban Iyo Barnaamijyada Dib-U habaynta Shaqo Oo Lasoo Gabagabeeyay

Hargeele(cakaaranews) Talaado24ka, April, 2018.Waxaa xarunta gobolka afdheer ee degmada hargeele lagu soo gabagabeeyay tababar uu soo agaasimay Xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI islamarkaana  ujeedadiisu tahay kor uqaadista iyo horumarinta nidaamyada maamulka suuban iyo waliba hirgalinta barnaamijyada dib uhabaynada shaqada iyo shaqaalaha. Iyadoo tababarkana ay kasooqaybagaleen xubno laga soo kala xulay shaqaalaha heer-gobol, shaqaalaha degmada hargeele iyo waliba shaqaalaha cusbitaalka hargeele.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa  xidhitaankiisii kahadlay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Afdheer  Ahna  Hogaanka Nabadgalyada Maamulka Iyo Cadaalada Mudane Cabdi Xassan Xaaji oo shegay in tababarkani ahaa mid tababarta yaasha lagu kobcinayo garaadkooda aqoomeed ee ku aadan nidaamyada maamulka suuban iyo barnaamijyada dib uhabaynta shaqada. Wuxuuna xusay in tababarkani yahay mid larabo in uu kor u qaado qanaca bulshada ee kuxidhan hay’adaha dawalada islamarkaana uu tayeeyo adeegbixinta

Sidookale, Agaasinka Waaxda Horumarinta Maamulka Suuban Ee Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Mudane Cabdulaahi Muxumed Qaloonbi oo isna kahadlay xidhitaankiii tababarkan ayaa sheegay in tababarkani yahay  mid larabo tababartayaashu in ay siidhaadhiciyaan cilmiga ay dhaxleen islamarkaan loogu talagalay in lagaadhsiiyo dhamaan hay’adaha dawlada ee gobolka afdheer. Wuxuuna xusay in tababarkani yahay mid kor uqadaya garaadka aqoomeed ee shaqaalaha dhanka fulintooda iyo waliba sidii ay si toosa ugu hirgalin lahayeen barnaamijyada dib uhabaynta shaqada. Iyo nidaamka suuban islamarkaana ay kusiitababaraan dhamaan shaqaalaha degmooyinka hoosyimaada gobolka.

 

Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa ayaa ah mid ku qotama tababarka tababartayaasha islamarkaana laraabaa in tababartayaashu ay sii tababaraan dhamaan shqaalaha heerar kooda kaladuwan ee kakala shaqeeyay degmooyinka gobolka afdheer.