MW CMC Iyo Kulankii Balaadhnaa Ee Xog Iswaydaarsiga Ee Maanta Kadhacay Xarunta DDSI

Jigjiga(cakaaranews)Talaado,24ka April 2018. Kulan balaadhan oo xog iswaydaarsi ah oo ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa   arrimaha xisbiga ee Xarunta dhexe ee XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq islamarkaana ay kasooqaybgaleen golaha wasiirada, wasiir kuxigeenada,  maareeyayaasha  iyo agaasimayaasha deegaanka ayaa si heer sare ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee kaali2.

Hadaba, Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kulankan balaadhan kahadlay ayaa ugu horayn ka warbixiyay dhibaatooyinkii abaartii kal-hore iyo sida wayn ee loogu guntaday bulshada deegaanka ee ay abaartu saamaysay islamarkaasna dhanwalba looga taageeray.

Madaxwaynaha ayaa xusay in ay tahay  markii ugu horaysay taariikhda abid soomara ee ay xukuumadeenu dareentay abaartan saamayntay dadka kuyeelatay iyo darsaadyada cilmiyaysan  ee laga sameeyay.  Wuxuuna xusay  in shaqaalihii caafimaadka ee kahalwgalayay degmooyinka iyo sidii xukuumadu uga jwbtay xaaladihii abaaraha iyo shuban biyoodka.

Sidookale,Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa midmid uga sheekeeyay farsamooyinkii iyo xeeladihii loo isticmaalay badbaadada iyo garabqabashada bulshada ay abaartu saamaysay ee dhinacyada xidhiidhkooda ogaanshahhooda nafaqayntooda iyo waliba  sidii loo kala dajiyay degmooyinkii ay saameeyeen abaartu. Isagoo carabka ku adkeeyay socdaalkoodii 2da bilood ee ay dhaxsocdeen bulshada abaartu saamaysay. Sidookale, madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa bulshada deegaanka ku adkeeyay in marba hadii abaartii laga soo baxay hadana ilaahay roob iyo nimco ina siiyay  ay lagama maarmaan tahay in si fiican looga faa’iidaysto nimcadaas ilaahay Inoo nimceeyay loogana faa’iidaysto waxsoosaarka noocyadiisa kaladuwan Ilaahayna aad loogu mahadceliyo.

Madaxwaynaha,  ayaa iyana kawarbixyay Arrinta isku shaandhaynta ee lagu sameeyay golaha wasiirada deegaanka. Wuxuuna sheegay in arrintan isku-shaandhayntu ay tahay dardar-galinta shaqada islamarkaana lagu sii xoojinayo shaqooyinkii Horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo waliba qorshayaasha uu xisbigu dhigtay

Dhankakale, Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDSI Ahna Madaxa Arrimaha Xisbiga Ee Xarunta Dhaxe Ee XDSHSI mudane Maxamed-rashiid isaaq, maareeyaha guud mashruuca horumarinta reerguuraga ahna xubin gole dhexe ah mudane cabdixakiin cigaal iyo waliba madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xamdi Aadan ayaa si wayn uga hadlay muhiimada iyo wanaaga iskushaandhaynta golaha wasiirada islamarkaana iskushaandhayntani ay tahay ‘right person to the right posision.(Politically, Educationally, socially, strategically and tactically) Waxayna cadeeyeen in nidamka dib ucurashadu ay tahay nidaamyada horumarineed ee guulaha lagu gaadhay. 

Sidookale, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar oo marlabaad ka hadalay kulankan ayaa sidookale hoosta ka xariiqay faa’iidooyinka midnimada iyo sida uu u wanaagsan yahay dhaqankeena qaaliga ah iyo sumcada iyo sharfta aan ku dhaxleenahay caalamka iyo dalkeenan itoobiya. Wuxuuna carabka ku adkeeyay in Nidaamka federaalismka ah ee dalkeenan itoobiya aan wax kaga noqon karo oo kali ah somaalinimo. Inagoo itoobiyaanimadeena kufaanayna balse qabiil iyo qabyaalad aysan waxba taraynin islamarkaana heerka aan maanta gaadhnay aan ku gaadhnay oo kali ah somaalinimo balse aynaan kugaadhin qabiil 

Ugudanbayna, madaxwaynaha ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday in ay xukuumada deegaanku taageerayso shacabka ay saameeyeen fatahadihii kadhashay roobabka  islamarkaana ay xukuumadu ugu gurmanayso sidii ay ugu guntatay abaarihii kalhore. Wuxuuna kubooriyay guud ahaanba shacabwaynaha deegaanka in ay roobabka uga faaiidaystaan dhanka tabcashada beeraha.