MW CMC OO KUSOO LAABTAY CAASIMADA DEEGAANKA

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 25ka April 2018.  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib markii uu ka qaybgalay xalfadii sida heerka sare ah loosoo agaasimay ee lagu sagootinayay raisal-wasaarihii hore ee dalka mudane Hailemariam Deselegn oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada federalka ah oo ugu horeeyo raisal-wasaaraha JDFI Dr Abiyu Ahmed, madaxwaynayaasha dawlad deegaanada dalka oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, safiirada iyo marti sharaf kale oo tiro badan ayaa wuxuu madaxwaynuhu dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.