Xuska Todobaadka Dhaqanka DDSI Oo Siqurux Badan Uga Bilowday Caasimada Deegaanka Ee Gigjiga.

Jigjiga(cakaaranews),Arbaca, 25ka, April , 2018, Waxaa caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga ka bilowday xuska todobaadka dhaqanka oo markii 1aad si heer deegaan ah loo xusayo taasi oo uu soo diyaariyay xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay kooxaha dhaqanka oo ka socday 6 maamulmagaalo iyo qaarka mid ah degmooyinka DDSI.

Haddaba, xuskan oo kooxaha dhaqanku ay  ku soo bandhigayeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka  kala duwan ee uu deegaanku leeyahay iyaga oo maraya wadata wayn ee badhtamaha caasimada deegaanka  ayaa waxaa la  hadlay warbaahinta deegaanka wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane fu’aad ahmed jaamac iyo wasiir ku xigeenka sayniska iyo technology DDSI horena u ahaan jiray wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane Baashe Cabdi Ismaaciil kuwaasi oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada ay leedahay xuskan todobaadka dhaqanka iyo dalxiiska waxayna sheegeen in ay muhiim tahay horumarinta dhaqanka iyo hidaha ay umadeenu leedahay islamarkaana tahay wax lagu faano horumarinta dhaqankeena suuban ujeedata xuskana tahay sii xoojinta dhaqanka iyo isdhaxgalka kooxaha dhaqanka deegaanka ee degmooyinka , maamul magaalooyinka DDSI.

Dhankooda qaarka mid ah kooxaha dhaqamada maamul magaalooyinka deegaanka oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin ka soo qaybgalka xuskan todobaadka dhaqanka deegaanka iyo soo bandhiga ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka deegaanka

Ugudambayn Xuskan  todobaadka dhaqanka oo ah kiikoowaad ee si heer deegaan ah loo xuso ayaa sii socondoona maalmaha soo socda taasi oo ay qaybka noqondoonaa bandhigyo dhaqameedyo kala duwan, carwo dhaqameed iyo booqasho lagu booqan doono goobo kala duwan.