Ogaysiis Jaaliyada DDSI Ee Cariga Maraykanka.

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 26ka April, 2018. Waxaa dhamaan qurba joogta DDSI ee ku nool cariga maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesota la ogaysiinayaa in ay ka soo qaybgalaan xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayo  Raysal-wasaaraha JDFI mudane Dr Abiyu Ahmed.

Haddaba, xafladaasi oo ka dhacaysa magaalada Minneapolis  ee dalka maraykanka marka ay taariikhdu tahay 28ka April , 2018 googtuna tahay Marriott hotel 2020 American boulevard East Minneapolis Minnesota saacaduna tahay  6:00PM ilaa 2:00AM. Ayaa Waxaana ka soo qaybgalaya qaarka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI hogaaminta jaaliyada, qaybaha kala duwan ee jaahliyada iyo fanaaniin caan ah oo habeenkaasi ka qaadidoona heeso iyo dhaantooyin ku soo jiita.