Shirkii Qiimaynta waxqabadka gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo furmay.

Jigjiga(cakaaranews), jumce, 27ka April , 2018.Waxaa  magaalada jigjiga ee caasimada deegaanka gaar ahaan madasha shirarka  kaali 2aad ee xarunta madaxtoooyada  DDSI  ka furmay shirkii qiimaynta waxqabadka gobolada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI

Haddaba, shirkan qiimaynta ah oo diirada lagu saarayo fulina qorshayaasha   horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban  ee u yaalay gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI khaasatan qorshaha beer,biyaha, caafimaadka  ee BBC ayaa waxaa hogaaminayay madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga ee  xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo madaxwayne ku xigenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax warkan oo faah-faahsan warakayaga dambe ayaad kala socondoontaan.