Wafti Balaadhan Oo uu Hogaaminayo RW Dalka Dr Abiyu Ahmed Oo Uu Ku Wehelinayo MW CMC Oo Usocdaalay Dalka Jabuuti

Addis-ababa(Cakaaranews) Sabti 28ka April 2018. Waxaa xarunta dalka ee magaalada addis-ababa ka ambabaxay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo raisal-wasaaraha JDFI Dr Abiyu Axmed oo uu ku wehelinayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar, wasiirka wasaarada xidhiidhaka arimaha dawlada ama afhayeenka dawlada, Mudane Ahmed shide, Afhayeenka golaha baarlamanka mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo mas’uuliyiin heer deegaan ah oo ay kamid yihiin, maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada reer guuraaga ah ee DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha mudane Axmed Cabdi Maxamed, Wasiirka Xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad, maayarka maamulka magaalada Diredawa mudane IbraahimCisman iyo lataliyaha raisal-wasaaraha mudane Maxamud Dirir. Waxaa kale oo socdaalkan ku wehelinaya waftigan balaadhan mudane ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin oo matalaya guurtiga dhaqanka soomaalida.

Hadaba waftigan balaadhan ayaa kulama la qaadandoona madaxda ugu saraysa wadanka jabuuti.