Xuskii 1aad Ee 7aadKa Dhaqanka Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Magaalada Jigjiga

Jigjiga (cakaaranews)Sabti, 28ka april 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagu soo gabgabeeyay xuskii 1aad ee 7aadka dhaqanka kaasoo ay kasooqaybgaleen 6da maamul magaalo iyo degmada shiniile. Iyadoo xuskana uu magaalada jigjiga kasocday mudo 7maalmood ah islamarkaana lagu soobandhigay doodcilmiyeedyo kaladuwan, tartamada ciyaaraha dhaqanka, agab-dhaqameed, cunto dhaqameed iyo waliba hooy-dhaqameed.

Hadaba, xuskan 7aadka dhaqanka oo lagu soo gabagabeeyay goobta loo yaqaano males-park ee magaalada jigjiga ayaa waxaa kahadlay Wasiirka Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska  DDSI Mudane Fuaad Axmed Jaamac oo sheegay in xuskani yahay xuskii 1aad ee markii ugu horaysay lagu xuso deegaanka islamarkaana kadhaca magaalada jigjiga. Wuxuuna xusay in xuskan 7aadka dhaqanka uu socday mudo 7 cisho ah islamarkaana lagu soo bandhigayay dhamaan dhaqankeena sida agab dhaqmeedyadeena, cunto dhaqameedyadana  iyo waliba ciyaaraha kaladuwan ee dhaqankeena. Wuxuuna tilmaamay in xuskani uu qayb ka yahay xoojinta iyo horumarinta dhaqankeena soomaaliyeed ee qaaliga ah.

Dhanka kele, kaqaybgalayaashii iyo soo bandhigayaashii dhaqanka ayaa sheegay in xuskani ahaa mid aad u qiimo badan islamarkaana lagu soo bandhigay dhamaan dhaqankeena aan gaarka uleehayna. Ee ay kamidyihiin cunto dhaqameedyada aqal soomaaliga  agabka cuntada iyo waliba ciyaaraha kaladuwan.

Sidookale, xuskan ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay tartan ciyaareedyo ay ku tartamayeen 6da maamul magaalo iyo degmada shiniile.

 

Iskusoowada duuboo, xuskan ayaa ah markii koobaad ee heer deegaan lagu qabto. Iyadoo hada kahor deegaanka lagu qabtay xuska 7aadka dhaqanka ee heer federal.