Degmada Godey Iyo Tababar Kusaabsan Nidaamka Iyo Sii Xoojinta Maamulka Suuban

Godey(cakaaranews)Sabti, 28kla April 2018. Si kor loogu qaado islamarkaana loo tayeeyo adeeg-bixinta loo hayo bulshada ayaa Waxaa madasha shirarka ee degmada godey kaqabsoomay tababar ku saabsan sii xoojinta  maamulka Suuban iyo xidhmada dib-u-habaynta. Iyadoo tababarkana ay kasooqaybgaleen dhamaan shaqaalaha heerarkiisa kaladuwan ee ka hawl-gala xafiisyada iyo wakalaadaha kalduwan ee degmada godey.

Hadaba, Tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay kusimaha Gudoomiyaha Degmada Goday Mudane Cabdirashiid maxamed Cali oo sheegay in tababarkani yahay mid aad muhiim ugu ah shaqa alaha islamarkaana kor uqaadaya fahanka barnaamijyada dib uhabaynta shaqo. Wuxuuna xusay in tababarkani markuu udhamaado shaqaalaha lag filayo isbadal badan oo dhanka adeegbixnta ah.

Sidookale, Gadh-Wadeenka G/S Horumarinta Maamulka Suuban Ee Xafiiska Adeegan Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha Ahna Madaxa Kooxda Fulinaysay Tababarkan Mudane Cabdulaahi Muxumed Qaloonbi oo isna kahadlay ayaa sheegay in tababarkani uu yahay mid lagu kobcinayo shaqaalaha kahawlagal dhamaan xafiisyada degmada godey islamarkaana kor uqaadaya awooda fulineed ee shaqaalaha si loo tayeeyo adeegbixnta. Wuxuuna xusay agaasinku in tababarkani yahay mid fahan buuxa lagaga siinayo shaqaalaha dhamaan aaladaha maaumulka suuban iyo waliba barnaamijyada dib- uhabaynta shaqo.

 

Iskusoowada duuboo, xafiiska adeega shaacbka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa baryahanba kujira dardargalin xoogleh oo ku aadan  dhanka kobcinta awooda fulineed ee shaqaalaha degmooyinka iyo waliba maamulada qabaleeyada. iyadoo maalmahanba ay tababaro kaladuwan kasocdaan qaarkamid ah degmooyinka iyo gobolada deegaanka.