Kulan Dood-Cilmiyeed Ah Oo Kusaabsan Kala-Korinta Ubadka Oo Kaqabsoomay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Axad,29ka, Aprill 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kaqabsoomay kulan dood-cilmiyeed ah oo kusaabsan qorshaynta qoyska islamarkaana lagaga hadlayay kala korinta ubadka. iyadoo kulankana ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI, xubno kasocday wasaarada caafimaadka JDFI, xirfadlayaal caafimaad, culimo awdiinka, hooyooyinka iyo martisharaf kale,

Hadaba, hadaba, kulankan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Caydaruus Axmed  oo sheegay in adeeegan qorshaynta qoyska ama kala korinta ubadku uu yahay adeeg laga bixiyo dhamaan xarumaha iyo hospitaalada deegaanka islamarkaana uu yahay adeeg fursad siiya hooyada iyo dhalaanka inay lasocdaan caafimaadkooda. Wuxuuna tilmaamay in kulankani yahay mid doodcilmyeed ah oo kusaabsan qorshaynta qoyska islamrkaana larabo in lagu xoojiyo qorshaynta qoyska si qoys walba unoqdo mid kudhiiran kala korinta ubadka.

Dhankakale, gudoomiyaha golaha sare ee arrimaha islaamka DDSI mudane sheikh cabdiraxmaan oo isna kahadlay kulankan ayaa sheegay in kulankani yahay mid aad muhiim ah islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in ilmaha iyo hooyadaba xuquuqdooda lamariyo.

Sidookale, Agaasinka Kahortaga iyo Kor uqaadida Wacyigalinta Cudurada Faafa ee Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Axmed Cabdulaahi Sugule oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in kulankani yahay mid ddodcilmiyeed ah oo kusaabsan qorshaynta qoyska kaasoo kuqotama kala korinta ilmaha si  hooyadu caafimaad uhesho, ilmuhuna koritaan fiican uhelo. Wuxuuna xusay in kulankani yahay mid lagu jabinayo fikirada xunxun ee kasoohorjeeda kalakorinta ilmaha. Islmarkaana sababaha kulankan loo qabtay uu yahay in bulshada la gaadhsiiyo faa’iidooyinka kala korinta ilmaha  ee caafimaad ahaan.

Ugudanbayna, kasooqaybgalayaahsii kulankan doocilmiyeedka ah oo iyaganu kahadlay kulankan ayaa sheegay in ay aad usoodhawynayaan islamarkaan ay faaiido badan leedahay kala korinta ubadku. Maadama oo kalakorintu faaiido uleehay hooyada iyo caruurta labadaba.