Shiniile Iyo Adeegii Qaliinka Iyo Dawaaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Si Habsami Leh Uga Furmay

Shiniile (Cakaaranews) Axad 29ka April 2018. Waxaa xarunta caafimaadka degmada shiniile  ee xarunta gobolka sitti si habsamileh uga bilawday adeegii daawaynta iyo qaliinka indhaha ee bilaash ka ahaa. Kaasoo ay kafaa’iidaysanayaan bulshada kudhaqan degmada shiniile iyo nawaaxigeeda.

Hadaba adeegan qaliinka indhaha iyo daawanta bilaashka ah ee ka bilowday magaalada shiniile ee xarunta gobolka sitti ayaa waxaa ugu horayn ka warbixiyay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahan wasiirka xafiiska caafimaad DDSI mudane Xamdi aadan Cabdi oo sheegay inuu adeegani yahay mid 3 qaybood loo xalinayo bulshada indhaha wax ka qaba ee ku sugan degmada shiniile iyo nawaaxigeeda iyadoo bulshada qalitaanka ubaahan loo qalayo indhaha, kuwa dawaaynta ubaahana laga daawaynayo, halka kuwo kalana lasiinayo muraayadaha indhaha, isagoo madaxwayne kuxigeenku intaa kudaray in uu adeegani yahay mid muhiim u ah guu ahaanba bulshada deegaanka gaar ahaan bulshada shiniile ee maanta ka faaiidaysanaya adeegan bilaashka ah.

Dhankiisa waxaa isna ka hadlay madaxwaynaha jaamacada jigjiga Dr Cabdicasiis Ibraahim oo sheegay inuu adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa uu si quruxbadan uga bilawday degmada shiniile ee xarunta gobolka sitti islamarkaana ay kafaaiidaysanayaan boqolaal shacabka shiniile ah. Wuxuuna intaa kudaray inuu adeegani mudo 7aad ah kasii socon doono degmada shiniile ee xarunta gobolka sitti.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada  ku dhaqan degmada shiniile  iyo nawaaxigeeda ee dib uhelay aragoodii indhaha oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin  adeegan qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen  ilaahay iyo xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga  uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanka gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.