Xaflad Balaadhan Oo lagu taageerayay raysal-wasaraha dalka Dr abiyu ahmed Ayaa si heer sare ah uga qabsoontay cariga maraykanka.

Minneapolis(cakaaranews),axad, 29ka, April , 2018 Xaflad  balaadhan  oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo diyaariyeen jaaliyada DDSI ee cariga maraykanka gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minnesota oo lagu taageerayay raysalwasaaraha JDFI Dr abiyu ahmed  ayaa ka qabsoontay magaalada Minneapolis.

Xafladan ayaa waxaa kala soo qaybgalay jaaliyada qaarka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay kamidyihiin madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, maareeye guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane guuleed aw cali kaahin, masuuliyiin ka socday safaarada dalkeena itoobiya ku leedahay wadanka maraykanka hogaaminta iyo qaybaha kala duwan ee jaaliyada DDSI ee wadanka maraykanka.

Haddaba waxaa xafladan ugu horayntii ka hadlay madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane khadar cabdi ismaaciil   oo ugu horayntii ugu mahad celiyay qurba joogta DDSI sida meeqaamka sare ah ee ay usoo agaasimeen xafladan quruxda badan islamarkaana ay ugasoo qaybgaleen xafladan lagu taageerayo laguna soo dhawaynayo raysal-wasaaraha JDFI Dr abiyu ahmed wuxuuna  si qoto dheer uga warbixiyeen isbadalka horumarineed ee sida xawliga ah uga taaba galay dalka iyo  deegaanka iyo waliba qorshayaasha  lagu  sii xoojin lahaa horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo doorka ay ku leeyihiin qurba joogta DDSI hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo maalgashiga waxayna ku amaaneer qurba joogta DDSI sida balaadhan ee ay uga qayb-qaadeen taaba galinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada ka hirgalay deegaanka.

Dhankiisa waxaa ka hadlay xafladan maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane guuleed aw cali kaahin wuxuuna sharax dheer ka bixiyay jihooyinka horumarineed nabadgalyada iyo maamulka suuban ka hirgalay deegaanak iyo qorshayaasha xooga ay ay xukuumada DDSI xooga saaraysa gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha oo ah qorshaha tiirka u ah qorshayaasha  bulshada deegaanka lagaga saarayo saboolnimada islamarkaana lagu gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay maareeyaha ayaa ku booriyay qurba joogta DDSI in ay sii xoojiyaan dadaalka ay kaga qayb qaatadanaan hirgalinta qorshayaasha horumarka gaar ahaan dhinaca maalgashiga islamarkaana ka la dagaalamaan kana hortagaan kifirada cidhiidhiga ah iyo  dulsaarnimada ee ay soo maleegikaraan shaqsiyaad dano gaar ah leh.

Sidoo kale wakiil ka socday safaarada dalkeena itoobiya ku leedahay cariga maraykanka oo ka hadlay xafladaasi  ayaa ugu  horayntii sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in uu kala soo qaybgalo qurb joogta DDSI xafladan balaadhan ee lagu taageerayo raysal-wasaaraha dalka Dr abiyu ahmed  wuxuuna qurba joogta DDSI ku amaanay sida wadaniyada leh ee ay uga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka nabadgalyada,  maalgashiga  iyo ka qaybgalka mashaariicaha heer qaran ee ka hirgalay dalka sanadihii ugu dambeeyay wakiilka  ayaa ku booriyay qurba joogta DDSI in ay sii wadaan dadaalkooda wadaniyadeed ee ay kaga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maalgashiga wuxuuna intaasi ku daray in ay si fiican uwada shaqayn-doonaan qurba joogta DDSI iyo safaarada dalka itoobiya ee dalka marakaykanka.

Dhankooda hogaaminta jaaliyada DDSI, odayaasha, iyo qaarka mid ah qaybaha kala duwan ee jaaliyada DDSI oo ka halday xafladan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin islamarkaana oo dhawaynayaan raysal-wasaaraha cusub ee dalka Dr abiyu ahmed islamarkaana ay tahay ujeedada ay xafladan uqabteen soo dhawaynta iyo jacalka ay uqabaan raysalwasaaraha dalka waxay sheegeen in ay garabtaagan yihiin raysal-wasaaraha cusub ee dalka dhinaca kale waxay umahad celiyeen masuuliyiinta sare sare ee ka yimiday deegaanka si ay uga qaybgalaan xaflada iyo masuuliyiinta ka socda safaarada  waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan kaalinta ay ku leeyihiin dar-dargalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo hirgalinta mashaariicaha heer qaran waxayna sheegeen in ay siwayn ugu faraxsan yihiin kana marxaatikacayaan hirgalinta mashaariicaha muga way nee sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka iyo dalkaba.