Waftigii Uu Hogaaminyay RW JDFI Dr Abiyu Ahmed Ee uu Ku Wehlinayay MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Dalka

Addis-ababa(Cakaaranews) Axad 29ka April 2018. Waxaa xarunta dalka ee magaalada addis-ababa dib ugosoo laabtay waftigii balaadhnaa ee  uu hogaaminayo raisal-wasaaraha JDFI Dr Abiyu Axmed oo uu ku wehelinayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar, wasiirka wasaarada xidhiidhaka arimaha dawlada ama afhayeenka dawlada,Mudane Ahmed shideAfhayeenka golaha baarlamanka mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo mas’uuliyiintii heer deegaan ah oo ay kamid ahaayeen, maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada reer guuraaga ah ee DDSI mudaneCabdixakiin Cigaal Cumar, wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha mudane Axmed Cabdi Maxamed,Wasiirka Xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad, maayarka maamulka magaalada Diredawa mudane IbraahimCisman iyo lataliyaha raisal-wasaaraha mudane Maxamud Dirir, Mas’uuliyii heer federal ah, iyo ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin oo socdaalkan ku wehelinaya waftigan balaadhan isagoo  matalayay guurtiga dhaqanka soomaalida.

Hadaba waftigan balaadhan ayaa kulamo kala duwan oo lagaga wada hadlayay sidii loosii xoojinlahaa xidhiidhka dhibloomasiyadeed ee gaamuray ee labada dal ka dhexeeya laqaatay iyo sidii loosii xoojinlahaa dhanka gancsiga ee labada wadan gaar ahaan dhanka dakada, sidoo kalena waxay kawada hadleen arrimaha nabadgalyo ee geeska Africa gaar ahaan hawlaha nabad ilaalinta soomaaliya oo labada wadanba ay kawada qaybqaadanayaan.

Ugu danbayna kulankan ayaa waxay labada dhinac ay isku fahmeen is afgarad arrimihii ay labada wadan kawada hadleen, sikastaba ha ahaatee socdaalkan uu raisal-wasaaraha JDFI Dr Abiyu Axmed iyo waftigiisu ku tageen dalka aynu dariska nahay ee jabuuti ayaa noqon doona mid natiijo midho-dhal ah ay kasoo baxaan.