Mw CMC Oo Ku Soo Laabtay Deegaanka.

Jigjiga(cakaaranews), isniin, 30ka April, 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ay wehelinayeen afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo masuuliyiintii ay kamid  ahaayeen maareeyaha guud ee mashruuca horumarinta bulshada reer guuraaga ee DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal cumar, wasiirka horumarinta khayraadka biyaha  DDSI mudane ahmed cabdi maxamed, wasiirka waxbarasha DDSI mudane ibraahin aadan mahad iyo ugaas Mustafa ayaa ku soo laabtay deegaanka ka dib markii ay kala qaybgaleen Raysalwasaaraha dalka Dr Abiyu Ahmed socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu dalka dibadiisa ugu baxay ee uu ku tagay dalka jabuuti ee aynu dariska nahay.

Haddaba madaxwaynaha DDSI iyo waftigii heer deegaan ee uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee jigjiga wakhtixaadirkana ku sugan jigjiga.