Degmada Shilaabo Oo Bulshada Danyarta ah ee ku dhaqan lagu wareejiyay ka faa’iidaysiga qorshaha BBC.

Shilaabo(cakaaranews) isniin,30ka,  April , 2018. Masuuliyiin isugu jira heer gobol iyo heer degmo oo ay ka mid yihiin hogaanka nabadgalyada gobolka qoraxay iyo gudoomiyaha degmada shilaabo ayaa si rasmiya ugu wareejiyay bulshada loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan qorshaha Biyo, Baad, Beer, Caafimaad iyo cilmi ee BBC.

Haddaba qorshahan oo ka mid ah qorshayaasha waawayn ee ay xukuumada DDSI kor ugu qaadayso nolosha bulshada reerguuraaga ah islamarkaana ah qorshe bulshada fahan buuxa lagaga siinayo hanaanka dhaqashada xoolaha iyo tabaca beeraha casriga ah waxaana lagu wareejiyay bulshada danyarta ah ee ku dhaqan degmada shilaabo guryihii ay dagilahaayeen, xoolihii ay dhaqan lahaayeen, dhul beereedkii loogu talagalay wax soo saarka dalaga oo beeran, agabkii iyo raashinkii ay isticmaalilahaayeen.

Waxaana warbaahinta deegaanka uga warbixiyay qorshahan BBC ee degmada shilaabo hogaanka nabadgalyada gobolka qoraxay mudane maxamed ahmed nuur wuxuuna sheegay in qorshahan yahay mid lagula dagaalamayo saboolnimada islamarkaana kor loogu qaadayo nolosha bulshada reer guuraaga ah taasi oo noloshii reer guuraaga ahayd loogu badalayo mid dagan isaga oo sheegay in la soo gabagabeeyay  qorshaha BBC  ee degmada shilaabo islamarkaana maanta lagu wareejiyay qoysaskii danyarta ahaa ee loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan qorshahan.

Masuuliyiinta degmada shilaabo oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada shilaabo mudane Cabdinaasir Muxumed Cabdi oo sheegay in tadaal dheerka dib maanta la soo gabagabeeyay qorshihii BBC ee bulshada reer guuraaga ah lagaga dhigayay kuwa dagan gaar ahaan bulshada danyarta ah waxayna sheegeen in maanta lagu wareejiyay 42 qoys oo ka mid ahaa bulshada danyarta ah ee degmada shilaabo guryihiin, xoolihii, beerihii iyo dhamaanba agabkii loogu talagalay qorshahan BBC balse wixii hadda ka dambeeya ay ka faa’iidaysan doonaan bulshada loogu talagalay.