Shir Balaadhan Oo Loo Qabtay Dhalinyarada Kudhaqan Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 1da, May 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka  shirarka ee SMCX kaqabsoomay shir balaadhan oo ay kasooqaybgaleen maayorka maamulka magaalada jigjiga iyo waliba dhamaan dhalinyarada kudhaqan magaalada jigjiga. Iyadoo shirkana ujeedadiisu ahayd wacyigalin kuaadan sidii dhalinyardu uga qaybqaadan lahaayeen  sii xoojinta horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak oo sheegay inshirkani uu hordhac u yahay shirar kaladuwan oo lala yeelan doono dhalinyarada deegaanka. Wuxuuna intaas kudaray in dhalinyaradu yihiin mustaqablka deegaanka islamarkaana looga baahan yahay in ay si wayn uga qaybqaataan isbadalada horumarineed ee sida xawliga ah deegaanka uga socda. Masuulka oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in deegaankeena iyo dalkeenan itoobiyaba uu mudnaan badan siisay horumarinta dhalinyarada iyagoo dhalinyarta lasiiyay fursado badan oo loogu talagalay dhanka shaqo abuurka islamarkaana lagu tirtirayo shaqo laaanta si dalkeenu uga mid noqdo wadamada dhaqaalahaoodu dhexdhexaadka yahay.

Dhankakale, qaarkamid ah dhalinyaradii kasooqaybgashay shirkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin  shirkan loo qabtay maanta. Waxayna xusen in shirkan lagaga wada hadlay arrimo badan oo ku’aadan dhinacyada horumarka, nabadgalayada iyo maamulka suuban iyo sidii dhalinyaradu doorka kaga aadan uga qaadan lahayeen.

Ugudanbayna, dhalinyaradii kasooqaybgashay kulankan ayaa balan qaaday in horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban  ay si wayn doorkooda uga qaadanayaan.