Degmada Dhanaan Iyo Dajinta Bulshada Danyarta Ah Ee Looga Faa’iidaynayo Qorshaha BBC

Dhanaan(cakaaranews)Isniin,1da May 2018. Qorshaha BBC oo ah qorshaha ay xukuumada DDSI qaadatay sanadkan 2010 TI ayaa ah mid kamaid ah xeeladaha iyo tubaha lagu tirtirayo saboolnimada islamarkaana dalku uga mid noqon lahaa wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Wuxuuna qorshahani  yahay mid kuqotama kahaqabtirida bulshada deegaanka  ee danyarta ah adeegyada aasaasiga ah ee Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad ahna mida lagasoo gaabiyay xarfaha (BBC). Sidaasdarteed, degmada Dhanaan ee Gobolka shabeele ayaa dajisay qoysaskii danyarta ahaa ee u qorshaysnaa inay dajiso uganaa faaiidayso adeegyadaas aasaasiga ah.

Hadaba, kusimaha gudoomiyaha  ahna madaxa xafiiska caafimaadka degmada dhanaan mudane Maxamad Aadan iyo madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha degmada dhanaan marwo Khadra Cadoosh Cumar oo sheegay in degmo ahaan ay uqorshaysnayd inay dajiyaan 10 qoys islamarkaana ay siwanaagsan udajiyeen kadib markii ay udhiseen guryihii. Waxayna kuwareejiyeen xoolihii loogu talagalay qoyskasta oo ah 25 neef oo adhi ah, iyo 5 neef oo lo’ah oo irmaan.

Sidookale, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qoys kasta lagu wareejiyay dhulkii oo beeran iyo waliba maacuuntii cuntada iyo gogoshii iyo waliba raashinkii ay cuni lahaayeen mudo lix bilood ah oo isugujira bur, barriis iyo baasto.

 

Ugudanbayna, dhankooda qoysaskii ladajiyay oo dareenkooda ka hadlay ayaa sheegay in maanta aysan dareenkooda qiyaasi Karin islamarkaana aysan mara kufikoirin in dajin noocan ah ay xukuumada deegaanku usamayn. Waxayna xuseen in loodhamaystiray dhamaan adee kasta oo bani aadanku ubaahnayahay sida biyaha cunta iyo hoyga iyo waliba beerihii. Waxayna ad ugu mahadcelinayaan dhamaan heerarka kaladuwan ee xukuumada deegaanka soomalida itoobiya.