Shir Kusaabsan Wadaxaajoodka Qorshaha SM 2011 T.I Oo Kaqabsoomay MMJ

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 2da May 2018. Waxaa Maanta si habsami leh uga qabsoomay hoolka shirarka ee MMJ shir ay kasooqayb galeen mas’uuliyiinta MMJ iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kukala dhaqan xaafadaha MMJ islamarkaana ujeedadiisu tahay wadaxaajoodka qorshaha sanad miisaaniyadeedka Fooda inagu soohaya ee 2011 T.i  kahor intaa ladiyaarin, si qorshuhu u noqdo mid si dhab ah ugu salaysan baahiyaha bulshada kudhaqan MMJ.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Ibraahim Maxamed Mubaarak oo shegay in shirkani yahay shirkii caadiga ahaa ee wada xaajoodka ahaa islamarkaana la qabanjiray qorsha diyaarinta kahor. Ee sanad walba. Wuxuuna intaas kudaray in shirkan ay kasooqaybgaleen bulshada kudhaqan xaafadaha MMJ islamarkaana uu yahay shir loogu talagalay in bulshadu ugaato qorshaha loo diyaarinayo in uu yahay mid baahidooda katurjumaya iyo inuu yahay mid aan ka turjumaynin.   

Dhankakale, shirkan ayaa isna waxaa dhankooda kahadlay Madaxa Xafiiska M,Aaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha MMJ Mudane Khaalid Cabdiraxmaan Iyo Madaxa Arrimaha Xisbiga MMJ  Mudane Cabdulaahi Bukhaari oo sheegay in shirkani yahay mid lagu dhagaysanayo baahiyaha bulshada MMJ. Si qorshaha sanad miisaaniyadeekan 2011.T.I loogu daro islamrkaana looga jawaabo. Iyadoo baahiyaha lakalsiinayo mudnaan Masuuliyiinta oo hadalkooda sii wata ayaa sheegay in shirkani qayb kayahay arrimaha lagu tiigsanayo in maaamulka maagalada jigjiga uu kajawaabo dhamaan baahiyaha bulshada kudhaqan MMJ ee dhinacyada adeegyada horumarineed iyo kuwa kaabayaasha dhaqaalaha.

Ugudanbayna, dhankooda bulshadii kasooqaybgashay shirkan wada xaajoodka ah oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin  shirkan islamarkaana uu yahay shir aad muhiim ah. Waxayna xuseen in aysoobandhigeen dhamaan baahiyaha bulshada xaafadaha kaladuwan ee magaalada si qorshaha sanadmiisanyadeedkan 2011 T.I loogudaro.