Tartan iyo Dood Cilmiyeed Lagusoo Gabagabeeyay Xafiiska Waxbarashada DDSI

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 2da May 2018. Tartan iyo dood cilmiyeed  ay soo diyaariyeen midawga  ardayda jaamacada jigjiga oo kaashanaya xafiiska waxbarashada DDSI iyo jaamacada jigjiga ayaa lagusoo gabaggabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba tartankan iyo dood cilmiyeedkan oo maalmahan ka socday hoolka shirarka ee xafiiska  waxbarashada oo uigu danbayna ay iskusoo hadheen dugiga hormuudka jigjiga iyo dugsiga sare ee magaalada jigjiga ayaa waxaa xidhitaankiisii kasoo qaybgalay  wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane maxamud axmednuur (Heeryo) iyo madaxwayne kuxgeenka jaamacada jigjiga ee qaybta darasaadka iyo cilmi baadhista  jaamacada jigjiga  mudane Ilyaas Omer, maamulayaasha dugsiyada tartamayay iyo midawga ardayda jaamacada jigjiga. Waxaana ugu horyntii xidhitaankii ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarshada DDSI mudane maxamud axmednuur (Heeryo)  oo sheegay inuu tartankan iyo dood cilmiyeedkani uu ahaa mid la rabo in lagu dhiirigaliyo ardayda tartamaysay iyo dugsiyada deegaankaba. Wuxuuna intaa ku daray in waxbarshada xooga lasaarayo ay tahay midooyinka Sceince iyo technology yada maadaama oo ay maadooyinkaas ay yihiin kuwo kor uqaadaya jihada waxbarasho ee deegaanka.

Dhanka kalena waxaa isana ka hadlay madaxwayne kuxgeenka jaamacada jigjiga ee qaybta darasaadka iyo cilmibaadhista jaamacada mudane Ilyaas Omer  oo sheegay in aduunka maanta waxa lagu hormaray uu yahay science iyo technology islamarkaana loo baahan yahay in xooga lasaaro.

Ugu Danbayna waxaa abaalmarinta kaalinta 1aad ee tartanka la gudoonsiiyay dugsiga hormuudka mmj iyadoo  abaal marino kala duwan la gudoonsiiyay dugsiga sare ee mmj oo kaalinta 2aad galay iyo maamulayaashii dugsiyada tartamayay.