Magacaabis Cusub

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 3da May 2018. Waxaa Maayorka Maamulka Magaalada Qabribayax Loo Magacaabay Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdi oo ah xildhibaan heer deegaan ah islamarkaana leh khibrad iyo aqoon heersare ah Sidookale Waxaa Xilka Maayornimo Ee Maamulka Magaalada Tog-Wajaale Loo Magacaabay Marwo Ubax Rabiic Sh Maxamed. Oo ah muwaadimad u dhalatay deegaanka islamarkaana leh khibrad iyo aqoonsare oo culuumta maamulka ah.

Hadaba, masuuliyiintan loo magacaabay maayorada magaalooyinka qabribayax iyo wajaale oo leh khibrad iyo aqoonta hogaamiyanimo ayaa waxaa loo rajaynayaa in xilka iyo waajibaadka loo idmaday ay si daacad ah oo wadaniyadi kudheehan tahay uga soo bixi doonaan.